Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Ambassador Kyle McCarter ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifka Mareykanka ee ku saabsan dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya, isagoo shaaciyay in Mareykanka uu ka qeyb qaadanayo in arrintaasi lagu xaliyo bannaanka maxkamadda.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Mr. Kyle McCarter oo wareysi siinayay telefishinka Citizen TV ee ayaa sheegay in Mareykanka uu ku howlan uyahay sidii uu gacan uga geysan lahaa xal ka gaarista khilaafka ka taagan xududuudka Badda Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in labada dal ay ilaalin doonaan deris wanaaga.
Iyadoo la weyesiiyay aragtidiisa muranka badda ee Somalia iyo Kenya ayuu caddeeyay inuu qabo in wadahadal lagu dhammeeyo dacwada, taasina ay tahay sida ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo arrintan, in labada dal aysan kala maarmin dhaqaale ahaan iyo dagaalka lagula jiro argagixisad.
“Mareykanka waxaa uu ka shaqeynayaa sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista muranka, waxaan rumeysanahay in Kenya iyo Soomaaliya ay dhowr doonaan deris wanaaga” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya.
Waa go’aankii ugu horeeyay ee kasoo baxa Mareykanak oo ku saabsan Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya, waxayna ku soo beegantay iyadoo ay xalay Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay shaacisay xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.
Dalal badan ayaa ku howlan inay dhexdhexaadiyaan Somalia iyo Kenya iyadoo la joojinayo dacwadda ay Somalia geysay maxkamadda ICJ, waxaana Mareykanka uu culeys kale ku kordhinayaa arrintan.