Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Mareykanka oo sheegay in lala xisaabtamayo Cidda ka danbeysa dagaalka Laascaano

    Mareykanka oo sheegay in lala xisaabtamayo Cidda ka danbeysa dagaalka Laascaano

    February 24, 20232 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u cambaareysay dagaalka ka sii socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibdada Dalkaasi lagu sheegay in lala xisaabtamayo cidda ka dambeysa dagaalka.

    “Dowladda Mareykanka ayaa cambaareynesaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo ka dhacay magaalada Laascanood, isla markaana guryahooda looga saaray in ka badan 185,000 oo qof. Waa in colaadda la joojiyo, ciddii ka dambaysayna lala xisaabtamo”. ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee qaabilsan Afrika.

    Warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa soo xigtay warbixin kasoo baxday Xafiiska bani aadamnimada Qaramada Midoobay oo ay shaacisay oo walaac looga muujiyay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka Laascaanood ku dhex maraya Ciidamada ammaanka Somaliland iyo Beesha Degaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ilaa horraantii bishii February.

    Khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan ayaa sheegat in ugu yaraan 63 qof lagu dilay, in ka badan 363 kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.

    Weerarrada aan loo meel dayin ee sida ula kaca ah uga dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayey sheegtay in sinaba loo aqbali karin, ayna si toos ah uga hor imaanayaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadamnimada.

    “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada inay si buuxda u ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego ilaalinta rayidka,” ayey tiri Dyfan.

    Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha samafalka oo ay sameeyeen la-hawlgalayaal bani’aadamnimo, dagaalladii Laas-caanood, oo billowday 6-dii Febraayo, waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof – 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur.

    Dagaalka Laascaanood Laascaanood Somaliland Top US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo u Hanjabaad Culus u dirtay kooxaha Ciyaal-weerrada ah ee Muqdisho
    Next Article Ciyaal-weero Dil Naxdin leh ka geystay Muqdisho iyo Xaaladda oo kasii dareysa..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo