Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay inay dishay Sarkaal sare oo Ururka Al Shabaab ka tirsanaa, laguna magacaabi jiray C/raxmaan Sandheere, balse kooxda Alshabaab u yaqaaneen (Cukaash).
Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa waxay sheegtay in Sarkaalkaasi lagu dilay weerar cirka ah oo 2-dii bishaan ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kalana waxaa ninkaasi lala dilay laba Sarkaal oo kale, balse aan magacyadoodu la shaacin.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Jeff Davis oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu muhiim u ahaa Ururka Al Shabaab, sidoo kalana uu gacan ka gaystay in Al Qaacidda ay soo gaarto Somaliya.
Jeff Davis waxa uu bidhaamiyay in dilka Cukaash ay dhabar ku tahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay muujinayso cadaadiska uu Mareykanku ku haayo Al Shabaab.
Davis, ayaa yiri “In Cukaash laga saaro dagaalka waxay dhabarjab weyn ku tahay Al Shabaab, waxayna ka turjumaysaa caburinta Sirdoonka, xirfadlayaasha, militariga iyo fulinta sharciga.”
Waxaa kaloo uu yiri “Tani waa tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, Mareykankana waa uu sii wadi doonaa qalabka dhaqaale ee ku baxaaya diblomaasiyadda, sirdoonka iyo militarigaba, si loo furfuro Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxiso, kuwaa oo khatar ku ah Mareykanka, danahiisa iyo dadkiisuba.”
Wadani.com