Dowladda Mareykabka ayaa ku baaqday in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku laabtaan wadahadal si xal logu helo xaaladda.
“Waxaan ku boorineynaa dhinacyada in si degdega colaadda loo joojiyo magaalada Boosaaso iyo inay dib ugu laabtaan wadahadal nabadeed oo xal lagu gaaro. Dagaalka oo sii socda waxa kaliya oo uu dhaawac u geysnayaa Boosaaso iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri Farriinta kasoo baxday Mareykanka.
Dagaalka magaalada Boosaaso ayaa weli socda iyadoo caawa la maqlayo hoobiyeyaal iyo rasaas goosgoos ah, waxaana magaalada ka qaxay dadweyne fara badan.

