War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka walaacsan tahay dib u dhaca ku yimid hanaanka doorashada Somalia ee 2016ka. Waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Federalka Somalia, Baarlamaanka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadu ay ku celceliyeen inay ka go’antahay in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda.
“Sii socoshada hay’ado federaali ah oo xalaal ah waa mid ku xiran hogaamiyeyaasha Soomaalida oo raaca hanaan siyaasadeed oo daah furan ka hor inta uusan waqtiga ka dhicin xukumadda haatan jirta.
Mareykanku wuxuu ugu baaqay Baarlamanka Federaalka inuu qaado talaabo degdeg, isla markaana uu ansixiyo hanaankii doorashada Qaran ee heshiiskii Madasha.
Dowladda Mareykanku waxa ay qoraalkan ku sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ku siiso dadka Somaliyeed iyo dowladooda talaabadan ay u qaadayaan – helista xukun xasiloon oo si dumuquraadi ah ku yimaada.
Mareykanka ayaa hore u farageliyay xildhibaanada Soomaaliya, iyadoo wakiilka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaanada ku jira guddiga dib u eegista dastuurka oo culeys ku saaray inay ansixinyaan heshiiska Doorashada.
Wadani.com