Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay 7 qof oo Kenyaan ah, kuwaasoo lala xiriiriyey inay taageeraan argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasarada Maaliyadda dalka Marykanka,. qeybta qaabilsan dibadda.
Saxaafadda Kenya ayaa baahisay shaqsiyaadka xayiraadda lagu soo rogay oo ay ka mid yihiin Soomaali-Kenyaan, waxaana ugu horeeya sheekha Caanka ah ee Xassaan Husein Adan oo fadhigiisu yahay magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya, kaasoo hore loogu eedeeyay inuu taageero Alshabaab.
Xubnahan ayaan tegi karin dalka Mareykanka, waxaana la xayiray wixii hanti ah ee u taallada dalkaasi oo kadib lala wareegayo, iyadoo laga mamnuucay hay’adaha iyo shaqsiyaadka Mareykanka inay la sameeyaan wax xiriir ganacsi ama dhaqaale ah, waxayn Liiska magacayda Xubnahan ay kala yihiin:
1- Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein),
2- Sheikh Hassaan (Omar),
3- Mr Hassan Mahad (Omar)
4- Mr Hassan Mahat.
5- Al Masri, Abd Al Wakil (Ali)
6- Moustafa Ali Elbishy (Al Masri)
7- Abdifatah Abubakar Abdi (Muhajir, Musa), ninkan waa Soomaali.