Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Mareykanka oo Xayiraad ku soo rogay Xubno Alshabaab u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Hubka

    Mareykanka oo Xayiraad ku soo rogay Xubno Alshabaab u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Hubka

    October 17, 2022Updated:October 18, 20223 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Mareykanka ayaa shacisay xayiraad ay kusoo rogtay xubnaha shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo soo dhoofinta Hubka.

    Qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay qaabislaneyd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista maleeshiyada beelaha ee ku biiraya dagaalameyaasha Al-Shabaab.

    Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa sheegay in Waaxda Maaliyadda ay diiradda saareyso aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika.

    Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-geliso dadaallada al-Qaacida ee caalamka iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

    Xubnaha Alshabaab ee xayiraadaha lagu soo rogay ayaa kala ah:

    ABDULLAHI JEERI: Abdullahi Jeeri (Jeeri) waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxda hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen.

    Wuxuu sidoo kale isku xiraa Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto.

    KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waxa uu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warramaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

    HASSAN AFGOOYE: 
    Mareykanka ayaa $5 milyan dul dhigay madaxa Afgooye, taasi oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Afgooye waxa uu maamulaa shabakad maaliyadeed oo qaabilsan soo ururinta sadaqada beenta ah, baadda, iyo afduubka. Wuxuu horey usoo noqday madaxa Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

    ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaan jiray ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate.

    ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) wuxuu ku dhow yahay Golaha Hoggaanka Sare ee Kooxda, wuxuuna howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey kooxda Al-Shabaab.

    ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay isku xirka kooxda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, wuxuuna kala wareejiyaa lacagta kooxda ee ay soo ururiso oo uu ku wareejiyo madaxda sare.

    Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan soo iibinta hubka kuwaas oo kala ah:

    1- Mohamed Hussein Salad (Salad)

    2- Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan),

    3- iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

    Waxaa laga billaabo maanta la xanibay dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin oo yaalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkan ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo.

    Alshabab Top US Xayiraad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac
    Next Article Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan SH/Dhexe (Jidka Balcad & Jowhar oo…)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo