Safiirada Mareykanka iyo wakiilada dalalka Yurub ee ka hadlay Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay xal u hesho khilaafka ka dhashay maamulka Jubbaland iyo Doorashadii la isku khilaafay.
Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka,
Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiri doona shirka Madasha Iskaashiga Somalia ee magaalada Muqdisho maanta gelinka danbe ayaa la sheegay inuu gaaray go’aanka ku saabsan Jubbaland iyo inaysan dowladda Federaalka wax gorgortan ah la gelin Axmed Madoobe, waxaana laga sugayaa jawaab uu ka bixiyo arrinta Jubbaland.