Burcad Badeed Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay qafaasheen markab laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya.
Sida ay shaaciyeen warbaahinta dalkaasi markabka ayaa ahaa mid kalluumeysi oo ku sugnaa badda Soomaaliya ku dhow, waxaana ciidamada badda ee dalkaasi lagu amray inay baadi goobaan markabka la waayay.
Markabka ayaa la sheegay inay saarnaayeen 3 shaqaale oo u dhashay Koonfur Kuuriya iyo 18 kale oo Indonesian ah. Wasaaradda Arrimaha dibadda South Korea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in uu go’ay xiriirkii la lahaa markabka loona maleynayo inay qafaasheen burcad badeed Soomaaliyeed.
Ciidamo ka socda dalkaasi oo ku sugan Badweynta India ayaa lagu wargeliyay inay baadi goobaan Markabka, waxaa kaloo raadinta Markabka ku jira ciidamada caalamiga ah ee ka howlgalla badda Soomaaliya ee qaabilsan la-dagaalanka burcad badeedka ee ka kala socda dalalka Jarmalka, India iyo Japan.
Waa markii labaad ee muddo toddobaad gudaheed ah ay burcad badeed Soomaaliyeed afduubtaan, iyadoo Talaadadii Markab laga leeyahay Iiraan lagu qabsaday xeebaha Puntland.
Wadani.com