Waxaa maanta dekedda magaaladda Boosaaso ku xirtay markabkii shidaalka siday ee Ocean 11 ee hore loo shaaciyey inay bucarad-badeed afduubatay.,balse ku ciladoobay xeebta degaanka Bareeda halkaasi oo uu ku sugnaa muddo dhowr cisho ah.
Ciidamo degaankaasi ku sugan ayaa markabka gudaha u galay, waxayna ka qaateen 3 qori oo saarnaa; Sarkaalka ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in maamulka Puntland uu markabkaas saari doono ciidamo ilaaliya oo geyn doona dekedda magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in ay ogaadeen in qaar ka mid ah ciidamo uu maamulka Gardafuu horay u saaray markabka ay kala degeen markabkaasi saddex qori oo ah nooca shiishka leh, ayna maamulka Puntland ku daba jiraan sidii looga soo celin lahaa dadkii uu hubkaas uu gacantooda galay.

Markabkan ayaa wuxuu sidaa shidaal u raran ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ku wajahnaa dekedda magaaladda Muqdisho, haseyeeshee waxaa ku timid cillad dhinaca matoorka ah, taasoo hakisay in uu socodkiisa sii wato.