Nafaafadda Caasimada Muqdisho ayaa aad u liidata iyadoo maamulka Gobolka Banaadir oo dhaqaale badan canshuur ahaan uga qaada dadka uu ku fashilmay
Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa ku dhawaaqday maanta claamisay Olole Nadaafadeed oo si isxilqaan ah Khamiis kasta laga fulin doono mid k amida degmooyinka gobolka Benaadir.
Ololaha isxilqaanka ah ee Nadaafadeed ayaa wejigiisa koowaad maanta ka bilowday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia , waxaana laga fulin doonaa xarumaha danta guud, wadooyinka iyo guud ahaan xaafadaha caasimada Muqdisho.
Marwo Seynab ayaa bogaadisay guulihii horay Mutadawiciinta qaran ee isugu jira Shaqaale weynaha iyo Bulshada Rayidka soomaaliyeed uga soo hooyeen Ololaha guuleystay ee Isxilqaan, kaasi oo dib loogu dhisay xarumo dan-guud, waxa ayna ku dhiirigelisay in ay ka qayb qaataan Isxilqaanka nadaafadeed ee ka sii socon doono magaalada Muqdisho.
“Dhammaan shaqaaleweynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaan ku boorinayaa in ay Ololaha Nadaafadeed ee Isxilqaanka ah ka qayb qaataan, xilligan oo la filayo in roobabku ka bilaabmaan guud ahaan magaalada, nadaafaduna muhiim tahay xili-roobaadka,si aan uga hor tagno wax kasta oo Caafimaadka guud iyo kan gaar ahaaneedba wax u dhimmi kara.” ayey tiri Marwada koowaad.
Xaaladad nabadaafadda magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga deyriyey iyadoo maamulka Gobolka Banaadir oo canshuur fara badna ka qaada dadka aanu waxba ka qaban, taas bedelkeedna shirkado gaara ku siiyey qandaraas ay lacag uga sameeyaan.



