Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Marxuum Jen. Galaal oo xalay lagu aasay Guriceel iyo su’aalo ka dhashay maamuuska loo sameeyay (Sawirro)

    Marxuum Jen. Galaal oo xalay lagu aasay Guriceel iyo su’aalo ka dhashay maamuuska loo sameeyay (Sawirro)

    February 2, 2021Updated:February 2, 20212 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xilli Habeennnimo xalay lagu aasay magaalada Guriceel Jeneraal Marxuum Maxamuud Nuur Galaal oo lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

    Waxaa aaska Jeneraalka ka qeyb galay mas’uuliyiin kooban oo u badan kuwa kasoo jeeda Beeshiisa, taasoo keenay su’aallo ku saabsan maamuuska loo sameeyay Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sareysay Milateriga Soomaaliya.

    Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa salaadii Janaasada kula tukaday marxuumka Masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna Qoyskiisu go’aansadeen inuu aaskiisa ka diaco Guriceel, taasoo keenay inay aaska ka qeyb geli waayaan madaxda dowladda Federaalka.

    Waxaa eedeyn loo jeediyey madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor oo aan wax maamuus ah siinin aaska Jeneraalka, taas bedelkeedana soo dhoweyn ugu sameeyay magaalada Dhuusamareeb madaxda dowladda Federaalka.

    “Mudnaantii iyo maamuuskii ay ahayd in loo sameeyo aaska marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal maanta ma helin. Meel aan ka fogeyna godka xalay loo hooyay Janaraal Galaal shucuurta madaxdii Federaalka iyo Galmudug sidaan ayay u taalay..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska ka dhacay Guriceel oo soo qaatay muuqaalka soo dhoweyntii Qoorqoor ee Madaxweyne Farmaajo.

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa isna ka hadlay arrintan oo dhaleeceeyay sida dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo u maamuusi weyday Jeneraalka geeriyooday ee Maxamed Nuur Galaal, wuxuuna yiri: “Kooxda la baxday N&N xitaa janaaso, aas iyo tacsi lagulama heshiin karo. Ma garan sababta degdegga, dayaca qaran leh loogu aasay Jeneraal Galaal. Xilliga ayaa isku soo beegmay, hoggaan aan garaad qaran laheyn iyo deegaankan (Hawiye) oo ay dadkiisa hormood u yihiin kuwo hayin u ah aqbalka dulleynta. Waa la hubaa in uu geesi ahaa mar haddii ay argagexisada Al-Shabaab 13 sano raadinayeen, Itoobiyana 44 sano ka hor ka cabsi qabtay. Allaha u naxariisto Jeneraal Galaal, wuxuu ahaa halyeey cadawgiisa iyo saaxiibkiisba ka wada careysiiya”.

    Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
    Image may contain: 8 people, people standing and outdoor
    Image may contain: 6 people
    Image may contain: 1 person, standing and outdoor, text that says '5Y 5Y-FAV'
    Aaska Gen. Galaal Guriceel Jeneraal Galaal Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada taageersan..?
    Next Article Siciid Deni oo ugu danbeyn laga sugayo Dhuusamareeb iyo Dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay Shirka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo