Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Marxuum Maxamed Cali Samatar [W/Q: Yusuf Garad]

    Marxuum Maxamed Cali Samatar [W/Q: Yusuf Garad]

    August 21, 20166 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allah ha u naxariisto General Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo in badan dalka u soo shaqeeyay.

    Wuxuu ahaa sarkaal gaaray derejada ugu sarreeysa taariikha ciidanka Soomaaliya oo noqday Sarreeye Guud ama lieutenant General. Wuxuuna ahaa siyaasi, xilligii uu Militerigu dalka ka talinayay wixii dhacay ee san ammaantooda wax ku leh, wixii la dhimayna ay adag tahay in eeddooda laga beri yeelo.

    Genereal Samatar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horreysay ee Ciidanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa dufacadii labaad ee saraakiil Soomaaliyeed ee abid ka qalin jebiyay akademi ciidan. Waxay akadamiga Modena ee dalka Talyaaniga isku mar ka qalin jebiyeen oo ay Xiddiglayaal wada noqdeen rag ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo General Maxamed Faarax Caydiid.

    Kacaankii Oktoobar 1969

    Samatar waxaa uu ahaa sarkaal ciidanka ku kooban ilaa la soo gaaray 1969, markaas oo uu ka mid noqday 25 sarkaal oo u tashaday Dowladda in ay Xoog ugala wareegaan talada dalka. Wey u hirgashay. Waxaa hoggaaminayay General Maxamed Siyaad Barre.

    Dadka qaar waxay saraakiishaas u yaqaannaan in ay ahaayeen waddaniyiin dalka ka badbaadiyay siyaasiyiin qabiili, laaluush qaatayaal ah oo dhaqankooda siyaasadeed aanuu dadka iyo dalka horumar gaarsiineyn. Qaar kalena waxay u arkaan in ay ahaayeen askar xeryahooda ku ekaan waayay, ku xad gudubtay Dastuurkii Dimuqraaddiga ahaa ee dalka u yaallay, ka dibna laalay markii ay xoog talada kula wareegeen.

    Ma rabo in aan dooddaas u galo hadda, qormadeyduna mowduucaas kuma saabsana. Labada midka aad u taqaanba General Samatar wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Kacaanka curisay. Waxay awooddiisu kor u sii kacday markii 1973 la toogtay Saraakiil Sare oo ka mid ahaa 25-ka Golaha Sare ee Kacaanka.

    Waxaa General Samatar lagu tiriyaa ragga xagga siyaasadda ugu awoodda badanaa intii uu militerigu dalka ka talinayay. Rasmi ahaan wuxuu ahaa ninka labaad ee ku soo xiga Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Mar wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhigga marna Wasiirka Koowaad oo ah Ra’iisal Wasaare.

    Markii la dhisay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, XHKS, oo ahaa Xisbiga keliya ee dalka ka jira kana taliya, wuxuu ka mid ahaa shanta nin ee ugu sarreeya ee Guddiga Siyaasadda loo yiqiin oo sawirradoodu ay ku dhegganaayeen Goobaha la isugu yimaado iyo weliba xafiisyada Dowladda qaarkood.

     General-Maxamed-Cali-Samatar-iyo-Margerat-Thatcher
    Samatar oo la taagan Margret Tatcher

    Arrimahaas ayaa u sabab ah in dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba General Samatar looga talo geli jiray nin u dhigma Hoggaamiyaha dalka.

    Dagaalkii 1977

    General Samatar wuxuu ahaa Wasiirka Difaaca 1977 markii ay Soomaaliya qaadday Duullaankii militeri ee ugu weynaa ee abid ay dowlad Soomaaliyeed qaaddo. Waa marka la eego xagga abaabulka, tirada iyo tayada tababbar ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mooraalka ciidanka, hubka, Istaraatiijiyada militeri ee la adeegsaday iyo gacan-sarreyntoodii saqiirtay ee ay goobaha dagaalka ka muujiyeen.

    Duullaanka waxay ujeeddadiisu ahayd in ay Soomaaliya xoog kula wareegto Gobolka Soomaalida Ethiopia oo ah Gobol aad u ballaaran. Inkasta oo militerigu marka uu duulay uu aad u dhex galay gudaha Ethiopia, haddana dagaalku wuxuu ahaa mid fashil ku dhammaaday sababo siyaasadeed iyo qaar diblomaasiyadeed awgood. Labadii quwadood ee adduunka ugu waaweynaa berigaas labaduba wey ka soo horjeedeeen weerarka Soomaaliya. Waa Mareykanka oo Madaxweyne Carter uu si cad u sheegay mowqifkiisa iyo Midowgii Soofiyeeti oo isagu Ethiopia keenay kumanyaal Cuba u dhashay si ay uga difaacaan weerarrada xawaaraha ku socday ee Soomaaliya.

    Dad badani waxay u tirayaan in jabkii Soomaaliya ee 1977 iyo wixii ka dhashay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee burburkii Qaranka Soomaaliyeed.

    Fool-ka-Fool

    General Samatar anigu si shakhsi ah uma aqoon. Marka laga reebo khudbadihiisa aan goobjoog u ahaa iyo kuwa aan warbaahinta ka dhegeystay. Waxaanse fursad u helay in aan dhowr jeer la safro, dhegeysto isaga oo dad la kaftamaya, su’aalana aan weydiiyo.

    Mar uu dalkeenna booqasho ku yimid Bettino Craxi oo markaa ahaa Ra’iisal Wasaaraha Talyaanigu wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa. Kismaayo waxaa geeyay Madaxweyne Siyaad, Hargeysa-na General Samatar.

    Waxaan ka mid ahaa weriyaal ka socday Warbaahinta Qaranka oo ku biiray soddameeyo weriye oo ajnebi ah oo la socday wafdiga Craxi.

    Saddex dayaaradood ayaan Muqdisho uga baxnay. Anigu waxaan la socday tan labaad oo weriyayaal iyo ciidan sidday. Waxay na dhigtay Berbera ka dibna kolonyo baabuur ah oo si waalan u xawaareyneysa ayaa na geysay madaarka Hargeysa oo markii aan sii istaagnayba ay soo caga dhigatay dayaaraddii nagu dejisay Berbera. Bal maxaa Berbera naloo geeyay haddii dayaaradda na sidday oo faaruq ah iyo annaga oo baabuur ku joogna aan Hargeysa u wada soconno? Sababtaas ilaa iyo hadda ma helin cid ii fasirta.

    Laakiin waxaa iyaduna markiiba soo degtay dayaaraddii ay fuushanaayeen Craxi iyo Samatar. Waxaa soo dhoweeyay General Gaanni oo ka dibna wafdiga u horkacay Xerada Qaxootiga Gannad oo la buux dhaaftay Qaxooti Ethiopia ka yimid oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Oromo.
    General Samatar. Annaga oo saaran dayaarad aan isla maalintiiba uga soo laabannay Hargeysa ayay weriyayaashii Talyaaniga ahaa ee la socday Craxi ay su’aalo ku boobeen. Waxaan duubay su’aalahoodii iyo Jawaabihiisa. Ka dibna, waxaan ka qaaday wareysi ii khaas ah. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan wareystay General Samatar, waxaase mashquul badan i geliyay sida aan u kala reebi lahaa codkiisa iyo guuxa dayaaradda.

    Safarkaas waxaa socday afartameeyo weriye, waxaa jiray kala orod, is garbin iyo degdegsiiyo badan. Hadalka Samatar wuu yaraa. Marka uu hadlana wuxuu ku hadlayay Talyaani.

    Laakiin General Samatar marka aan in badan dhegeystay isaga oo madax iyo shaqaalaba la sheekesanaya waxay ahayd safari isaga oo Wasiirka Koowaad ah aan u raacay Kormeer uu ku sameynayay Warshadda Dharka ee Balcad oo soo saari jirtay lebbiska ciidanka iyo ardayda Dugsiyada. Iyo Warshadda Sonkorta, Barafuunka iyo Khamriga ee Jowhar iyo weliba beeraheeda kahasabka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn. Waxaa loo marti ahaa Wasiirka Warshadaha, Xuseen Cabdulle Calasow.

    Safaraddaas ka dib, waxaan dareemay sifooyin aan ku maqli jiray General Samatar.  Wuxuu ahaa nin gaaban, cad oo leh cod aad u culus.

    Wuxuu ahaa nin urursan, anshax militeri ka muuqdo. Nin deggan oo aan war badneyn, marka uu hadlana macna sameeya. Wuxuu ahaa nin heybad leh.

    Taas ayaana ugu wacan in markii uu dalka Mareykanka u qaxay ay Madax badan oo Soomaaliyeed oo Washington u tegtay shaqo ama dano kale ay gurigiisa ku booqdaan.

    Inkasta oo dhanka kalena ay sannado badan ku socotay dacwad isaga la xiriirineysa dagaalladii 1988 ka dhacay Hargeysa, Burco iyo degaanno kaleba ee u dhexeeyay Jabhaddii SNM iyo Militerigii dalka ka arriminayay.

    Waxaan muran ku jirin in Samatar uu astaan u yahay in qofka isku kalsoon, dadaalna la yimaada uu wax weyn qabsan karo.

    Belwad

    Mar ay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u sheegteen in ay shaqo badan yihiin oo ay yihiin dad Kacaan ah, oo markaa gunnooyin iyo u roonaasho kale ay sidaa ka dalbeen, Samatar waxaa laga weriyay in uu la kaftamay. Waan ogahay ayuu yiri in aad shaqo badan tihiin, laakiin waxaanan kala garan karin in ay idinka tahay Kacaannimo iyo in ay idinka tahay belwad oo kale in aad u jeceshihiin heesidda, caweyska cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Raadiye-ka-hadalka iyo shaashad-ka-muuqashada.

     

    Allah ha u naxariisto Maxamed Cami Samatar, qoyskiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadiis samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

    Gen. Samatar Maxamed Cali Samatar Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article10 dead in suicide bombings in Somalia
    Next Article Mas’uuliyiin & dad ka badan 20 qof oo ku dhintay Qaraxyadii Gaalkacyo [Magacyada]

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo