Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa maanta maamuus iyo sagootin loogu sameeyay garoonka Muqdisho isagoo ka dhoofay, kuna sii jeeday degmad Luuq ee Gobolka Gedo.
Taliyaha ciidanka booliska oo maanta, taliyaha Booliska Garoonka Aadan cadde iyo mas’uuliyiin kale ayaa sagootiyay Mudane Macalimuu iyo xubnihii la socday oo galabta ka dhoofay garoonka, kadib markii dhowr jeer laga celiyay inay ka safraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo muddo 7 bilood ah Muqdisho ugu xayirnaa Hay’adda NISA oo ka hor taagneyd inuu ku laabto Gobolkiisa Gedo ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo amarkiisii uu shaqeeyay, wuxuuna sheegay in hotelkii uu deganaa ay Booliska kasoo qaadeen oo garoonka geeyeen.
Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.
