Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mas;uul ka tirsan maamulka Gobolka banaadir uu maanta ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer, kadib dhaawac kasoo gaaray qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta Gobolka ee qasaaraha badan dhaliyey.
Agaasimaha Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Caaqil, ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyadoo aan la ogeyn sababta looga reebay dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar ee uu ka midka ahaa Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Yariisow.
Maxamed Caaqil ayaa ahaa dhalinyarrada ka baxay jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo wiil dhalinyarro ah oo dadaal badan, waxaana tacsi u diray masuuliyiin kala duwan.