Qarax nooca lagu xiro gawaarida gaari goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Buundada Ansalooti ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi. Qofka gaariga watay ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa Injineer ah oo u shaqeeya maamulka Gobolka Banaadir.
Mas’uulkaan ayaa lagu dilay qaraxa waxaana magaciisa lagu sheegay Injineer Siidoow ayay wararku sheegayaan inuu la shaqeynayay maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ka mid ahaa mas’uuuliyiinta dowladda hoose ee Xamar.
Qaraxan ayaa ka mid noqonaya qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsadsado mas’uliyiinta iyo saraakiisha dowladda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]