Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo oo saaka uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay xisaabiyihii wasaradda Maaliyada Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare).
Qaraxa oo uu fuliyay qof isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Mas’uulkan oo agagaarka Hotelka Unlaaye marayay, Mas’uulkan oo hore warar badan looga faafiyay inuu amar ku taagleyn ku heysto gobolka Mudug ayaa qaraxu galaaftay.
Qaraxa ayaa dhacay markii uu Mudane Gaadayare kasoo degay gaarigiisas, xilligaas oo la maqlay jugta qaraxa sida goobjoogeyaal xaqiijiyeen, qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu aad ugu dhowaa goobta Gaadayare marayay, wararka qaar ayaa shegeya inuu is-miidaamiyaha salaamay.
Qasaaraha qaraxa ka dhacay saaka magaalada Gaalkacyo dhinaceed Waqooyi ee Puntland ka taliso ayaa gaaraya ix qof ayaa ku dhintay iyo dhaawac ka badan 10.
Wadani.com