Koox hubeysan ayaa Maqribkii caawa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Beledweyne, waxaana toogasho lagu dilay Gudoomiyahii deegaanka Hees, ee Gobolka Hiiraan Nabaddoon Cabdullaahi Axmed Qanyare (Bilig-Bilig), waxaana falkaasi kadib is-rasaaseyn dhex martay ciidamada amniga iyo kooxdii dilka geysatay oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mida saddex Nin oo ka danbeeyay dilka Mas’uulka ay dileen ciidamada Booliska magaalada Beledweyne markii uu dagaal dhex maray muddo daqiiqado ah, isagoo adeegsaday Bambooyin, waxaana baxsaday labadii kale, waxaana falkaasi kadib ay ciidamadu howlgal ka sameeyeen xaafadda dilku ka dhacay.
Dhinaca kale Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaaday caawa magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiraan, iyadoo rasaas xoog leh ay is-weydaarsadeen, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Alshabaab.