Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ee Gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Puntland ayaa ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Qaraxyada oo ahaa laba qarax oo midka koowaad lagu weeraray xarunta Dayax ee dowlada hoose, kaasoo lagu burburiyay dhismaha oo ahaa mid cusub, kadibna waxaa xigay gaari kale oo NOAH kaasoo dhaliyay qasaare badan markii uu soo dhex galay ciidamadii iyo dadkii qaraxa koowaad ku so baxay.
Taliyihii ciidamada ilaalada degaanka ee Minishiibiyada Gaalkacyo ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa danbe Khadar Dhuubane iyo ku-xigeenkiisii Cabdinuur Seerar. waxaana la beeniyay warar hore u soo baxay oo sheegayay inuu dhaawacmay duqii magaalada Gaalkacyo.
Qasaaraha guud ayaa ilaa iyo hadda gaaraya in ka badan 20 ruux. Meydadka 12 qof ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, halka 8 ruux oo iyana meyd ah la geeyay isbitalka Dhegacadde.
Dhaawaca ayaa ka badan 40 -meeyo iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in meydad hore leh laga helay xarunta qaraxyada ka dhaceen.
Wadani.com