Waxaa faahfaahin laga helayaa weerarka Alsahbaab ku qaaday Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay gudaha u galeen dabley ka tirsan kooxdaasi.
Qasaaraha weerarka oo weli socda ayaa iska soo daba dhacaya, waxaana goobta laga qaaday 28 dhaawac ah sida laga soo xigtay adeegga gaadiidka AAMIN AMBULANCE, waxaana lasoo weriyey inay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu soo kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq C/llaahi Cabdi uu ku dhintay Qaraxii lala beegsaday dhinac hore ee Hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido.
Waxaa kaloo qaraxa iyo weerarka dad fara badan oo uu ka mid yahay Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan TV ga Qaranka. Waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblawe iyo xubno kale oo aan weli la xaqiijin.