Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in mas’uuliyiin iyo dadweyne loola cararray isbitaalka kadib markii ku sumoobeen raashin ay cuneen.
Arrintan ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay casho ka cuneen Baarka Daarusalaam oo u dhow magaalada Gaalkacyo, iyadoo halkaas lagu qabtay xaflad casho sharaf.
Dadka cuntada ku sumoobay waxa ka mida Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug, Ku-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo iyo xubno ka mida ururka dhalinyarada degaankaasi, waxaana lasheegay in 12 qof oo mas’uuliyiintaasi ku jiraan in xaaladoodu liidato.
Dadka sumoobay ayaa xaaladooda laga deyrinayaa, waxaana dadaal loogu jiraa in loo soo dhoofiyo magaalada Muqdisho. 18 Qof ayay saameysay dhacdadan, waxaana ka mida 15 dhalinyarada degaanka ah.