Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Mas’uuliyiin, Madax hore iyo Siyaasiyiin caan ah oo si adag uga hadlay masaafurinta ka socota Laas Caanood

    Mas’uuliyiin, Madax hore iyo Siyaasiyiin caan ah oo si adag uga hadlay masaafurinta ka socota Laas Caanood

    October 3, 2021Updated:October 3, 20215 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mowqifyadii ugu cuslaa ee laga istaagay masaafurinta maamulka Somaliland magaalada Laas-Caanood kula kacay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

    Mas’uuliyiin, madax hore, xildhibaanno iyo shaqsiyaad caan ah ayaa ka hadlay arrinta ka dhacay magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, kadib markii laga soo masaafuriyey dadkii kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

    Maamulka Somaliland ee magaalada Laasaacood ayaa raaf iyo qab-qabasho kula dhaqaaqay oo beegsaday dadka kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya, iyagoo isugu geeyay Garoonka Cabdi Bille ee magaaldaa, kadibna kusoo daabulay Gawaari xamuulka, iyagoo usoo tarxiilay dhinaca Puntland oo markii dambe ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo.

    Arrintan waxay moqotay dhacdo weyn oo dood badan dhalisay, waxaana halkan kusoo qaadaneynaa mowqifyada dad kala duwan oo ka hadlay.


    “In dad Soomaaliyeed laga soo celiyo Laas-caanood.. Dad joogay dal Soomaaliyeed in tarxiil loo macneeyo waa ceeb, waa mustaqbal iyo sharaf xumo, in dad ganacsato ah oo halkaas ku nool la yiraahdo: ka guura Laascaanood, Koonfur ayaad ka timaadeen, taariikh ayaa qormeysa ,waxaan rajeynaa in dadka Laascaanood ay ka dhiidhiyeen arrintaas. Dalkan dadka Soomaaliyeed ayaa wada leh, Ceebtaas intaad iska dhaqdiin ayaan rajeynayaa..”

    -Maxamed Xuseen Rooble -Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya


    “In Dad qasab looga saaro Laascaanood. waxay astaan u noqon doontaa inay Somaliland joogto meel aad u hooseysa. In si khaldan loogu eedeeyo Beel duruufaha amni ee ka jira magaalada ma keeni doonto xasilooni, kamana ka hortagi doonto dhibaatooyinka hoose ee magaalada ka jira”

    -Cumar C/rashiid Sharma’arke -Ra’iisal wasaare hore-


    “Waxan sida ugu adag u cambaaraynayaa dhacdada ka dhacday Laas Caanood. Waa naxdin iyo argagax ah in dad Soomaaliyeed lagu sheego Ajnabi. Waa nasiib darro sida Sakaalka hadlayaa uu wax u sheegayo. Waxayse ila tahay inay tahay arrin siyaasadaysan oo uljaaddo Kale ka dambayso.”


    -Fowsiya Xaaji Yuusuf- Xildhibaan iyo Ra’iisal wasare ku xigeen hore-

    “Waxaa nasoo gaaertay arrin aad uga naxo oo ceeb weyn soo jiideysa oo ay ku kaceen dadka Laascaanood, soona tarxiileen dad isugu jira maati,. carurur odyaal iyo gaancsato, sidii xoolihii oo kale gawaari xamuul lagu soo raro In lasoo boqolaal qof oo isugu jir babauur xamuul ah loo. u fili maayo inay ku kaceen xukuumadda Somaliland. waa arrin aan waafaqsneyn diinta, isnanaimada, Soomaalimimada, kumana kacaan dad Gob ah. Waxan codsi u dirayaa guurtida iyo golah wakiilada Somaliland ay ka hadlaan, ciddii mas’uul ka ahna la mariyo mudankooda”

    Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari -Guddoomiye hore Baarlamaanka Somaliya


    May be an image of 1 person

    “Wax aad looga xumaado ayaa ka socda laascanood waxas oo kasoo horjeeda sharecada sharciga somaliland iyo kan caalamiga ahba.Suuragalna maaha in fashilka amni ee masuuliyiinta laascanod lagu qarsho Tarxiilka dadka masakiinta ah ee kaso baxay dhibaatada ba,an awalba Waanu kasoo horjeednaa in dad somaliyeed oo walaaleheen ah dib loogu cesho holacii ay ka yimaadeen shalay Walibana loogu daro kala qaarid kala kaxayn iyo kala fogayn iyaga iyo ehelkoodii iyaga iyo hantidoodii qaar kamida Hadaan kala qaadanay laba jamhuuriyadood maaha in dareenkii walaalnimo iyo somalinimo dhintay. Bilaa ogaysiis bilaa xisaab taariikhda lama arag dad suuqa uun laga urursho oo baabuur la iska saaro gaalo cadcad ayaaba ogaysiis lasiiyaaye”.

    –Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ka tirsan Wakiillada Somailand –


    “Waxa Laas Caanood ka dhacay dhaqanka iyo diinta meelna kuma laha. Waxaas sharciga waxaa lagu yiraa “Ciqaab wadareed” diin iyo dhaqanna midna ma ogola.In haween, caruur iyo waayeel hal subax la soo tarxiilo ma ahayn dhaqan la sugaayay aduunyadaan manata iskaashanaysa isuna baahan.Kolleey maamulka Somaliland ee arinkaas fuliyay ma ahn miduu ka fiirsaday ee hadda halaga daba tago oo hana laga cudur daarto.

    -C/raxmaan Odowaa, Xildhibaan iyo Wasiir hore-


    “In dad Soomaali ah barakicin wadareed loogu beegsado heyb iyo deegaan ay ka soo jeedaan awgeed waa foolxumo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka. Mana ah wax uu ruux Soomaali ah ka filan karo walaalkii kale oo Soomaali ah. Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay dib uga fiirsadaan go’aankaas, degdegna loo joojiyo arrinkaas”

    -Cabdiraxman C/shakuur -Siyaasi iyo Musharax madaxweyne –


    Barakicinta uu maamulka Somaliland ka sameeyay magaalada Laasacaanood waa mid baal marsan dhaqanka suubban ee diinteenna Islaamka iyo midka Soomaalinimada. Falkaas wuxuu isugu jiraa takoor, ciqaab wadareed iyo ihaano dad Soomaaliyeed oo Rabbi karaamreyay. Waan hubaa in shacabka Laasacaanood iyo guud ahaan Somaliland ineysan raalli ka aheyn falkaas argagaxa leh. Waxaan rajeynaa in maamulka Somaliland ka laabto siyaasadda barakicinta dadka Soomaaliyeed

    -Craxmaan Yuusuf Ceynte – Wasiir hore–


    “Waa wax aad loola yaabo falkan gurracan ee lagula kacay dad soomaaliyeed ayadoo dembiga kaliya ay galeen uu yahay inay ka soo jeedaan deegaanka Koofur Galbeed. Waa arrin ugub ku ah dhaqanka soomaalida. Waa gunnimo iyo xad gudub in sidaa loola dhaqmo qof bani-aadam ah isirkoo doono ha ka soo jeedo amaba diintuu doono ha haysto, bal ka warran mid diin iyo hayb kula wadaago in aad sidaa ula dhaqanto. Taariikhiyan Koofur Galbeed waa deegaankii soo dhowayn jiray cid walba oo u timaaddao, la sheegan jiray qabaa’ilkooda, lala noolaa, sharaf iyo karaamo ayey mudan yihiin. Walaalaha Somali Land waxaan leeyahay taariikh xumo ha isku ridina ee arrinkan halaga dabo tago”.

    -Maryan Qaasim -Wasiir hore-


    “Laascaanood waxa ka socdaa waa ceeb, dulmi iyo xadgudub!”

    – Jamaal Maxamed Xasan -Wasiirka Qorheynta Soomaaliya –


    Laas caanood Masaafurin Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Qarax ka dhacay Magaalada Baardheere iyo Xaaladda Mas’uulkii lala beegsaday…
    Next Article Abiy Ahmed oo markii labaad xilka loo caleemo-Saarayo (Madax Afrikaan ah iyo Farmaajo oo…)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo