Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
Mas’uuliyiinta la xiray waxa ka mida Agaasimihii maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta Xasan Maxamuud Muxumed oo Saaka ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen iyo Agaasimahii hore ee wasaaradda warfaafinka Cismaan Xuseen Warsame oo dhowaan madaxweynaha Somaliland ka aqbalay is casilaad.
Arintan ayaa ka danbeysay baaritaan musuqmaasuq oo maalmahanba ay xafiiska hanti dhawrku ka waday dhowr hay’adood ay warfaafintu ka mid tahay.
Waxaa muddooyinkan dambe ka socday magaalada Hargeysa baaritaan ku saabsan musuq hareeyay wasaarado ay ka mid tahay tan Warfaafinta Somaliland.