Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Sheekh Cali ayaa jawaabay warar soo baxay oo ku saabsan mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Qormo uu faafiyay Wargeyska The East African ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dadaal ugu jiro in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sanno dheeraad ah, halkii ay dalka ka bixi lahaayeen December 2024.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in warkaasi uu been abuur yahay, wuxuuna caddeeyay inay Dowladda Somaliya ka go’an tahay fulinta go’aanka Golaha Amniga ee ah in dhammaadka sannadka 2024 ciidamada ATMIS dalka isaga baxaan.
“Warbixintan waa been. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegto ATMIS maadaama ay u xilsaartay Qaraarka UNSC ee tirsigiisu yahay 2628 & 2670 marka la gaaro 31ka December 2024. Waxaan diiradda saareynaa ATMIS kadib ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha oo si weyn u beeniyay warkan.
Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mida siyaasiyiinta ku dhow Madaxweynaha ayaa sheegay inay si bogaadinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya siiyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM/ATMIS.
“Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta go’aamadii UNSC (Golaha Amniga Qaramada Midoobay) ee tirsigoodu ahaa 2628 & 2670 ee ku ekaa marka la gaaro 31ka December 2024” ayuu yiri Cali Balcad.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay hore dhowr bilood dib ugu dhigtay ciidamo ka mida kuwa ATMIS oo dib ugu laaban lahaa dalalkooda, inkastoo qorshaha ciidamadan ATMIS dalka ku joogayaan ilaa 2026 ay beeniyeen.
