Mas’uuliyiintii  dowladda Federaalka Soomaaliya ee la socday Markabka  Nawaal 3  ee qaxootiga Soomaalida ka soo qaadaya dalka Yeman ayaa laga reebay inay markabkaasi raacaan kadib markii fadeexad ay lacag uga qaateen dadkii qaxootiga ahaa soo if baxday sida uu shaaciyay Goobjooge.com.
Qunsulka guud ee Cadan Axmed Cabdi  Suudaani iyo   Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynha iyoo Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ninka lagu magacaabo Cabdicasiis Yuusuf oo ahaa labadii mas’uul ee fadeexadan ka danbeeyay ayaa lagu armay inay ka haraan Markabka oo aysan raaci karin sida uu amar ku bixiyay milkiilaha Markabka Cabdi Cali Faarax.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay tallaabo ka qaado labadan mas’uul iyadoo guddi loo xil saaray arrintan iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka aanay wax tallaabo ah oo muuqata qaadin.
Markabka Nawaal 3 ayaa gaaray dekadda Mukala ee dalka Yeman oo ah halka qaxootiga laga soo qaado, waana magaalo ay gacanta ku hayaan kooxda Alqaacida ee jasiirada Carabta.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]