Mas’uulka madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan howlgalka Jubbooyinka ayaa markii ugu horeysay tegay Gobolka Gedo, isago wadahadal la galay saraakiil ka socota dalka Kenya.
C/llaahi Aadan Kulane oo ka tirsan madaxda sare ee NISA, horena uga shaqeyn jiray madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay Gobolka Gedo, wuxuuna halkaasi ka wadaa waanwaan uu la leeyahay saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Kenya oo qeyb ka ah wadahadalka Soomaaliya iyo Kenya.
Qorshaha mas’uulkan ayaa ah sidii cadaadiska ugu weyn loo saari lahaa Axmed Madoobe, isla markaana ciidamada dowladda ula wareegi lahaayeen Gobollada Gedo iyo J/Dhexe; laakiin waxaa arrintaasi soo dhex galay xiriirka sii xumaaday ee Kenya iyo Somalia, kaasoo hadda wahadalkiisa uu ku jiro.
C/llaahi Kulane oo mar loo magacaabay kusimaha Agaasimaha NISA, kana mida xubnaha qaraabada la ah Madaxweyne Farmaajo ayaa hore madax uga ahaa Guddiga arrimaha Jubbooyinka oo Madaxweynaha u xil saaray Doorashadii Jubbaland, kuwaasoo ku fashilmay inay Axmed Madoobe ka hor istaagaan doorashada.