Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Madaxii hore ee Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Cabdiweli Maxamed Macow, kadib xanuun soo wajahay xilli uu xabsi ku jiray.
Mas’uulkan oo lagu helay inuu fududeeyay Falkii lagu qarxiyey Diyaaradii Daallo Airline ee Garoonka Muqdisho ka duushay 2 Febraayo 2016 ayaa ku jiray xabsiga weyn ee Muqdisho, waxaana uu geeriyooday kadib markii uu xanuunsaday oo la dhigay mid ka mida isbitaallada Muqdisho.
Cabdiweli ayaa ka qeyb qaatay inuu Amniga Garoonka Muqdisho ka gudbiyo Ninkii watay Computer Laptop ahaa oo oo lagu dhex rakibay Bamkii lagu qarxiyey diyaaradda Daallo Airlines, Qaraxa oo uu ku dhintay qofkii waday Laptop-ka isla markaana dhaawac gaarsiiyey diyaaradda oo markii danbe kusoo laabtay Garoonka Muqdisho.
Mas’uulkan ayaa Xabsiga Dhexe ku qaadanayey xukun xabsi daa’im ah oo lagu xukumay, waxaana xaaladiisa caafimaad ay xumaatay muddooyinkii danbe, iyadoo u ugu danbeyn geeriyooday.



