Warar xog-ogaal ah oo laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Baardheere oo dhowaan laga qabsaday kooxda Alshabaab ay xabsi ku hayaan sarkaal madax ka ahaa hay’adda Bisha cas ee Soomaaliyeed oo gobolkaasi ka howlgeli jiray.
Ninkan oo lagu magacaabo Ibrahim Isaaq ayaa ahaa madaxa hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo, waxaana ciidamada Itoobiya ay ku qabteen Baardheere iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan sababaha ay ciidamada Itoobiya u xireen ninkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu qabtay garoonka Baardheere laguna eedeeyay shaki laga qabo inuu xiriir la leeyahay kooxda Alshbaab. Mas’uulkan ayaa muddo ka badan 10 maalmood u xiran Itoobiyaanka iyadoo aan war ah laga soo saarin xaaladiisa.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]