Mas’uulkii ugu sareeyay e xukuumadda Federaalka ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, kadib markii lagu soo eedeeyay Musuqmaasuq.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa qoraal uu saaray ku sheegay inuu soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku eedeysan msuqumaasuq iyo dayicidda hantida umadda.
Dhinaca kale Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isna sheegay in Soo-qabasho ah ‘waaran maxkamadeed’ ay ku soo xireeny eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Booliska intaas ku daray in agaasimahan uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kusoo eedeeyay musuq, la hor geyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir.