Wafdi ka socday dalka dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Cismaan Saalax Maxamed uuna ka mid yahay lataliyaha madaxweynaha Eritrea ayaa socdaal maanta ku tegay magaalada Hargeysa.
Socdaalkan oo ahaa mid an hore loo shaacin ayaa waxaa garoonka Hargeysa ku soo dhoweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir, kadibna waxaa loo gudbiyey Xarunta madaxtooyada, halkaasoo uu ku soo qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wadahadal gaar ah la yeeshay wafdiga.
Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadaly Wasiirrada arrimaha dibadda Somaliland iyo Eritria, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Eriteria Cismaan Saalax Maxamed uu sheegay inay Hargeysa u tageen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda ka jirta, kadibna ay warbixin ku celin doonaan madaxweynaha Eritrea, isagoo rajeeyay inuusan socdaalkiisu noqon kii ugu danbeeyay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa sheegay in madaxweynaha iyo weftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana ay wefdiga u yimaaddeen is-kaashiga iyo xiriirka dalalka geeska Afrika.
Wafdiga Eritrea ayaa ku gaabsaday in socdaalkoodu aha mid ay xaaladda Somaliland ugu kuur galayaan, iyadoo uu soo diray madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo hore socdaal ugu tegay magaalada Muqdisho xiriir dhowna la leh madaxweynaha Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRADA




