Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»MAXAA CUMAR C/RASHIID KA QABSADAY DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA CUSUB? (WARBIXIN)

    MAXAA CUMAR C/RASHIID KA QABSADAY DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA CUSUB? (WARBIXIN)

    January 2, 2015Updated:January 2, 20154 Mins Read Xog cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Somalia's Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke
    Somalia’s Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke

    Shirar is daba joog ah ayaa ka socda xafiisyada madaxtooyada, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhiso xukumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo noqon doona tii saddexaad ee ka hoos shaqeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed.

    Xildhibaano, xubno dibadda ka yimid iyo shaqsiyaad siyaasiyiin ah ayaa buux dhaafiyay saddexda xafiis ee ugu sareeya dowladda iyagoo xusul duub ugu jira in xilal looga magacaabo xukuumadda cusub, waxaana xukuumadani u muuqataa in dhismaheeda ka dhib badnaan doono kuwii ka horeeyay.

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa doonaya inuu dad kala duwan kusoo daro xukuumadiisa, waxaase culeys weyni ka heystaa madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo a liis gole wasiiro oo diyaarsan gacanta ka saaray Ra’iisal wasaaraha (Akhri Liiska Golaha wasiirada ee madaxweynaha magacaabay), kaasoo gebi ahaanba looga tegay xubnihii taageersanaa ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed.

    Saddexda xafiis ee Madaxtooyada, kan Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay ka siman yihiin inay jaha wareeriyaan xubnaha faraha badan ee jago doonka ah, maalin kastana tuban xafiisyadooda. waxayna xafiisyadan howsha u wadaan sida soo socda

    XAFIISKA MADAXWEYNAHA

    Xafiiskan ayaa culeyska ugu weyni heystaa, waxaana ugu wacan iyadoo intii lagu jiray ololaha mooshinkii lagu riday xukuumadii hore ay madaxweynaha iyo kooxdiisa sameeyeen balanqaadyo badan oo ah in jagooyin wasiir iyo qaar kale la siinayo xildhibaano faro badan oo qaarkood isku jufo yihiin.

    Xafiiska madaxweynaha wuxuu ciyaarayaa inuu qof waliba oo xildhibaan ah ku rajo geliyo inuu ka mid noqon doono xukuumada, gaar ahaan kuwii balanqaadyada hore loo siiyay, halka xildhibaanada kale lagu xirayo inay keenaan xildhibaannada beesha oo mideysan.

    XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA

    Ma shaqo yara xafiiskani, waxaana celcelis ahaan maalin waliba lagu qaabilaa ilaa 90 ilaa 100 xildhibaan, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid talada uguma jirto inuu cidna ka careysiiyo, haddana ma bixiyo balanqaad, waxaa ugu daran xildhibaanada oo codka kalsoonida laga rabo, kuwaasina wuxuu hadba u diraa beel kasta inay ula timaado qof ay isku raacsan tahay.

    Qaabilaadda waxaa laga yaabaa inay socoto 3:00 habeennimo (aadaanka hore ee salaada subax), haddana ma jirto qof huba inuu liiska ku soo bixi doono, waxaana qolalka yaryar ee sugitaanka qaabilaadda isugu yimaada mararka qaarkood siyaasiyiin cadaawad ka dhaxeyso iyo kuwo is jiir neceb oo is diidan, haddana waa la isku qasban yahay oo waxaa laga mideysan yahay jago-raadin.

    Ra’iisal wasaaraha uma muuqdo nin gacantiisa ay ku jirto go’aanka magacaabidda, haddana wuxuu ilaa xad iska caabinayaa cadaadiska uga imaanaya madaxweynaha. Wuxuu ogyahay in dagaal siyaasadeed lagu riiqday hortiis ka dhacay Muqdisho, wuxuu la socdaa in beesha caalamka aanay rabitaan u heynin Madaxweynaha iyo kooxdiisa, isaguna rajadiisu ku xiran tahay sidii uu isaga fogeeyo khilaaf kale oo ku yimaada xukuumada iyo madaxtooyada saameyntiisuna gaarto Baarlamaankam laakiin awoodiisu ma gaarsiisna inuu si madax bannaan howsha loo xil saaray u maamulo.

    XAFIISKA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

    Xafiiskani uma dhibaato badna sida labada xafiis ee ka horeysay, laakiin wuxuu qeyb uga jiraa dadaalka dhismaha xukuumada loogu jiro, gaar ahaan beesha uu guddoomiye Jawaari kasoo jeedo oo xubnaha doonaya inay golaha wasiirada ka mid noqdaan ay qasab tahay inay xafiiskan yimaadaan si ay u helaan barakada Maxamed Sheekh Cusmaan.

    CAQABADAHA HEYSTA CCC

    Tan iyo markii kalsoonida la siiyay Cumar C/rashiid oo ra’iisal wasaare rasmi ah isu bedelay waxaa looga fadhiyaa xukuumad midnimo qaran oo Baarlamaanka kalsooni ka heli karta, meeshana ka saari karta kala qeybsanaantii weyneyd ee soo dhex gashay dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Xaqiijinta arrintan waxaa caqabad ku ah rabitaanka madaxweynaha oo ah inuu dib u soo celiyo dowlad inta badan wasiiradeeda ka talo iyo amar qaataan madaxtooyada, taasina waxay ku dhici karta  oo qura inuu Cumar C/rashiid u hogaansamo  rabitaanka madaxweynaha; tallaabadaas oo keeni karta inuu ku waayo xildhibaanno aan yareyn oo caqabad ku noqon kara ansixinta golaha wasiiradiisa.

    Haddii Cumar C/rashiid ku guuleysto inuu dhiso xukuumad awood qeybsi ah oo qeyb fiican ku leeyihiin xildhibaanada ka horjeeda siyaasadda madaxweynaha iyo kooxdiisa, ayna saameyso talada ay mugdiga ku siiyaan saaxiibadiis madaxweynaha ku kacsan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Prof. Cusman Jurrile waxaa laga yaabaa in xukuumadda la dhiso ay noqota mid iftiinka u soo baxda. Haddiise culeyska madaxweynaha iyo kooxdiisa ka tan bataan oo filimkii hore loo daawaday la soo shir tago wuxuu Ra’iisal wasaare Cuma  C/rashiid u eg tahay WEBI BACAAD KU DHAMMAAN DOONA, xaaladuna ku idlaan doonto JUG JUG EE MEESHAADA  JOOG iyo wareeg kale oo khilaafaadkii laga daalay dib loogu noqdo.

    Warbixinnada Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Cumar iyo golaha wasiirada Dhismaha golaha wasiirada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWas the U.N. targeting Blackwater founder Erik Prince on Somalia?
    Next Article XOG CUSUB: Cumar C/rashiid oo iska diiday Liiskii Golaha Wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

    September 13, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo