Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaa dhacaya haddii Donald Trump xanuunsado ama Geeriyoodo ka hor Doorashada Mareykanka..?

    Maxaa dhacaya haddii Donald Trump xanuunsado ama Geeriyoodo ka hor Doorashada Mareykanka..?

    October 2, 2020Updated:October 2, 20202 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib markii la shaaciyey in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ku dhacay Cudurka Coronavirus ayaa waxaa soo baxay su’aalo badan oo ku saabsan caafimaadka Madaxweynaha Mareykanka iyo haddii ay dhacdo inay xaaladiisa caafimaad xumaato ama uu dhinto.

    Trump oo wax badan diiday tallooyinka caafimaadka, kuna gacan seyray inuu xirto weji xirka, kana fogaado dadka ayuu hadda ku dhacay Cudurkii Corona, waxayna da’diisu tahay 74 sano, isagoo qaba cudurro kale oo sababi kara inuu cudurka si adag uu dhaco ama waxyeelo u geysto, iyadoo la ogyahay in Trump uu qabo Cholestoral aad u badan, miisaankiisa oo culus iyo cadaadiska dhiigga, maadaama uu ka mid yahay dadka u nugul cudurka oo 5 jeer ka halis badan qofka dhalinyarrada ah.

    Cabsiga ugu weyn ee la qabo ayaa ah in cudurka uu ku dhacay saaxiibada iyo dadka ku dhow Trump oo lagu yaqaan inay is ilaalin, sida Madaxweyne ku xigeenka Mike Bence iyo qaar ka mida la-taliyeyaasha iyo caruurta Trump oo ku wada nool Aqalka Cad.

    Waxaa la hakiyey dhammaan ololeyaashii Doorashada ee Madaxweyne Trump, iyadoo Trump iyo xaaskiisa lagu karaantiilay Aqalka Cad, xaaladiisuna ay la socdaan dhaqaatiirta Aqalka Cad, wuxuuna sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah in xaaladiisa ay fiican tahay oo wax calaamad ah aan lagu arkin.

    Haddii ay dhacdo in Trump xaaladiisa caafimaad xumaato waxaa xilka sii heynaya Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Micke Pence, haddii uu isna xaaladiisa u saamixi weydo waxaa madaxweyne KMG ah noqonaya haweeneyd aqlabiyadda Koongareenka Mareykanka Nancy Pelosi, laakiin haddii ay dhacdo inuu Trump geeriyoodo ka hor Doorashada Mareykanka wuxuu xisbigiisa Jamhuuriga si degdeg usoo magacaabi doonnaa musharax kale oo bedela Trump si uu doorashada u galo.

    Waxaa sidoo kale la mida haddii Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden uu isna xanuunsado ama uu geeriyoodo, wuxuu mari doonaa isla habkii hore oo ah in xisbigiisa Dimoqraadiga degdeg u magacaabo musharax cusub, waxaana la tixgelin doontaa in ku xigeenkiisa uu soo xushay laga dhigo musharaxa xisbiga ama qof cusub la magacaabo; iyadoo ay waqti qaadan doonto in gobollada Mareykanka ay bedeleen magacyada musharaxa sidaas uga hara Doorashada Mareykanka oo dhacda 3-da November 2020.

    Coronavirus ahaa dad ka badan 207,000 qof ku dilay Mareykanka, waana dalka ugu badan dunida ee Cudurka halakeeyay, iyadoo ay cudurka qaadeen gudaha Mareykanka dad ku dhow7.5 Milyan oo qof.

    Coronavirus Donald Trump Top Trump
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWAR CUSUB: Madaxweyne Donald Trump Trump iyo xaaskiisa oo laga helay cudurka Coronavirus
    Next Article Lacagtii ugu badneyd ee diiwaangelin ah oo lagu soo rogay musharixiinta xildhibaannada Doorashada 2020/2021

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo