Faahfaahin ayaa laga helayaa kulan maanta Xarunta Afisyoone ku dhex maray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka.
Shirkaasi ayaa ilo xog ogaal ahi sheegeen inuu ahaa mid uu su’aalo adag ku wajahay Maxamed Farmaajo, markii cadaadis xoog leh lagu saaray inuu ka laabto muddo kororsiga 2-da sano ah ee uu ku dhaqaaqay. Wakiilada Beesha caalamka ayaa si cad ugu la sheegay inuu beddelo mowqifka ku saabsan muddo kororsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo Dooraho wadar-oggol ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan wax jawaab ah bixin ee kaliya uu ku dooday inuu go’aankaasi gaaray Baarlamaanka Federaalka, balse uu kaliya la wadaagay inuu dib ugu soo laaban doono.
Kulanka waxa ka qaybgalay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga, Safiirrada UK iyo Maraykanka Kate Foster iyo Donald Yamamoto oo matalayay beesha caalamka.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inay si cad ugu sheegeen madaxweynaha cawaaqibka ka iman kara go’aanka muddo korodhsiga, sida ay ilaha xog ogaalka sheegeen.
Xubnaha beesha caalamka ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inay joogsan doono iskaashiga beesha caalamka iyo dowladda Federaalka haddii ay ku socoto muddo kororsiga, lagana fiirsan doono tallaabooyin laga qaado madaxda hormuudka u ah muddo kororsiga.
Go’aanka cad ee loo sheegay Faramaajo ayaa noqday inay kaliya u furan tahay ka noqoshada muddo kordhinta iyo ku laabashada Shirarkii arrimaha Doorashada.
