Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxaa dhex maray Ra’iisal Wasaare Kheyre & Abwaan Guurre intaan xilka laga qaadin?. (Akhriso)

    Maxaa dhex maray Ra’iisal Wasaare Kheyre & Abwaan Guurre intaan xilka laga qaadin?. (Akhriso)

    May 1, 2019Updated:May 1, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan la socon in Abwaan Cismaan C/laahi Guure uu ahaa ninki lahaa fikradda iskaa wax uqabsada cusub ama “is xilqaan” oo ah ololaha ugu weyn ee ay dowladda maanta jirtaa ku dhistay qaar kamid ah xarumahi burburay ee dowladda.

    Waxay ahaataba, Abwaan Guure maanta waa la coleystay oo waxaa isaga oo dalka dibadda uga maqan laga qaaday xilkii agaasimaha golaha murtida!. waxaan maqli jiray ‘Kacaanku ilmihiisa yuu cunnaa’

    Saxiibbayaal waxaan fursad uhelay maanta in aan qadka taleefoonka kula sheekeysto Abwaan Guure maareyihii hore golaha murtida Qaranka oo shalay xilki laga qaaday.

    Abwaan Guure ayaan ugu horeeyn weydiiyay sida ay wax u dhaceen? wuxuu iigu jawaabay ” Shalay saacaddu marka ay ahayd 1-di duhur-nimo waqtiga Muqdisho ayaa waxaa idaacadda Kulmiye (KNN) ka baxay war ku saabsan in uu socdo wadahadallo u dhaxeeya madaxda mucaaradka ,Maammul goboleedyada iyo Madaxweynaha oo ah in la baddalo RW Khayre.

    Abwaan Guure wuxuu yiri “qiyaastii wax yar kahor 1:30 waqtiga Muqdisho waxaa isoo wacay RW Khayre oo careysan wuxuuuna i faray in aan shaqada ka eryo wariyaha warka sheegay iyo agaasimaha idaacadda, islamarkaana aan raaligelin ka bixiyo warkaasi ka baxay Idaacadda”.

    Abwaan Guure wuxuu yiri “waxaan u sheegay raysil-wasaaraha in aan anigu awood u lahayn in aan shaqada ka eryo wariye ka shaqeeya KNN, kol haddii aanan hadda mas’uuliyadda idaacadda haynin, teeda kale idaacaddu xeer ayay leedahay, dalkana sharciga warbaahinta ee baarlamaanka la mariyay ayaa xaq usiinaya wariyaha in uusan sheegin ilo-wareedkiisa ilaa ay maxkamad ka codsato marka la horgeeyo.

    Abwaan Guure wuxuu yiri “ ugu yaraan 10 daqiiqo oo aan murmeynay waxba kalama dheefin, isaga oo careysan ayuuna Taleefoonka igu dhigay. kadib wax ka yar 5 daqiiqo waxaa isoo wacay Wasiirka warfaafinta Mudane. Daahir Maxamuud Geelle wuxuuna igu yiri “ Saxiib Abwaan Guure waxa aan kuu sheegayo ogoow wax lug ah kumma-lihi, laakin waa ammar la’iisiiyay, waxa uu ka soo baxay raysil-wasaare Khayre oo ifaray in aan xilka kaa qaado ee sidaa ula soco”!

    Abwaan Guure waxaan ku iri buu yiri “ Hagaag, mudane wasiir waajibkaaga guddo, waxaad iga dambeysaba waa deyrta maanta ahe, adiguba idaacad waad leedahay, xilna dalka waad ka haysaa ee la soco”. Intaas marki aan Daahir is dhaafsanay kadib wax aan dhameyn 10 daqiiqo gudahood waxaa warka xil kaqaadisteyda oo si deg deg ka muuqdo loo qoray, loogu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ee oo ku hadasha afka xukuumadda. Marka aan leeyahay deg deg ka muuqdo waxaa masuuliyadda leyga qaaday lagu sheegay agaasimihii golaha ‘martida’ halki ay ahayd golaha ‘murtida’!.

    FG: Waa inti aan ka qoray Abwaan Guure, dhinac kale warkooda mahayo, mana helin wali.

    W/D: Ayaanle Xuseen Cabdi

    Abwaan Guure Ayaan Xuseen Cabdi Ra'iisal wasaare Kheyre Radio Kulmiye Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo degdeg Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta (Waa Kuma?)
    Next Article Maxaad ka taqaan Wasiirka Cusub ee Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya? (Akhriso Taariikhdiisa)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo