Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxaa dhex maray Ra’iisal wasaare Kheyre & Madaxweynaha Puntland? [Fashilka ku yimid Qorshihii Deni]

    Maxaa dhex maray Ra’iisal wasaare Kheyre & Madaxweynaha Puntland? [Fashilka ku yimid Qorshihii Deni]

    July 11, 2019Updated:July 11, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qorshe maamulka Puntland ku doonayey inuu ku xakameeyo socdaalka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre shalay ku tegay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa fashilmay, kadib markii uu ka hor yimid Ra’iisal wasaaraha.

    Qorshaha oo uu soo diyaariyey Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ahaa in Ra’iisal wasaaraha loo diyaariyo kulan uu la yeelanayo wasiiro ka tirsan Puntland oo Gaalkacyo u tegay arrintaasi, odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo lagu diyaariyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo, waxaana qorshuhu ahaa in kulanka kadib uu dego hotel, kadibna uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo maanta.

    Madaxweyne Deni oo dhowr goor telefoonka kula hadlay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u sheegay go’aankiisa ah inuusan jiri doonin isu soo bax ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo oo uu ka hadlayo, waxaana wasiirada tegay Gaalkacyo ay halkaasi u tageen inay fuliyaan go’aanka madaxweynaha Puntland.

    Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa qorshihiisu ahaa inuu ka hadlo isu soo bax ka dhacayey garoonka Cawaale, kaasoo ay diyaariyeen dhalinyaro kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo, kuwaasoo xiriir toos ah la lahaa Kheyre, isla markaana abaabulkoodu socday maalmo dhowr ah.

    Waxaa ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaaraha la geeyay xarunta madaxtooyada Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana dib u dhac lagu sheegay inuu ulakac ahaa lagu sameeyay waqtigii ay ahayd in Ra’iisal wasaaraha u gudbo waqooyiga Gaalkacyo, kadibna wuxuu Ra’iisal wasaare Kheyre gaaray halkaasi galab gaabkii.

    Kulan dhex maray wasiirada Puntland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo Ra’iisal wasaare Kheyre kadib, waxaa dhacday arrin yaab leh, markii uu Kheyre amar ku bixiyey inuu tegayo Garoonka Maxamed Cawaale Liibaan oo boqolaal dhalinyaro ay ku sugeysay, laakiin waxaa ka biyo diiday wasiiradii Puntland oo ku adkeystay inuu la kulmo odayaasha iyo Isimada loo diyaariyey ee ku sugan xarunta, balse Kheyre iyo ilaaladiisa ayaa isaga dhaqaaqay goobtaasi, waxayna toos u tageen Garoonka Cawaale, halkaasoo uu khudbad ka jeediyey.

    Madaxweyne Deni oo xaalada lagu wargeliyey ayaa amar ku bixiyey in la xiro xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha loogu talogalay, taasoo keentay in markii uu ku laabtay Kheyre lagu wargeliyo in la xiray xarunta, iyadoo markaas kadib uu qaatay goaan uu dib ugu laabtay Koonfurta Gaalkacyo.

    Puntland ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada uu qaatay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ku tilmaantay mas’uuliyad darro, iyadoo aanay wax jawaab ah kasoo bixin Ra’iisal wasaaraha ma xukuumadda Somalia.

    Deni Gaalkacyo Kheyre Top Waqooyiga Gaalkacyo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo Eedeyn culus u jeedisay Ra’iisal wasaare Kheyre & Digniin ay u dirtay Koonfurta Gaalkacyo.
    Next Article Maxkamadda Sare & Wasaaradda Cadaaladda oo isku heysta Dhismaha Machad & magacaabis Garsoorayaal. [Dokumenti]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo