Madaxweynaha Mareykanka ee looga adkaaday Dorashada Donald Trump ayaa weli diidan inuu aqbalo natiijada doorashada, isagoo ku doodaya in la xaday codadkii oo isagu uu yahay musharaxa ku guuleystay codadka sharciga ah.
Iyadoo weli la sugayo natiijada rasmiga ah ee Doorashada ayaa waxa si weyn u muuqata guusha uu doorashada ka gaaray Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden oo madaxda caalamka ay ugu hambalyeeyeen xilka loo doortay, laakiin kooxda taageerta Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka furay Gobollo dhowr oo ay ku doonayaan in la baaro codadka Doorashada dhowr Gobol.
Haddaba maxaa dhici dona haddii natiijada Doorashada si rasmi ah loo soo saaro, lana gaaro 20-ka Janaayo 2021, iyadoo Trump uu diidan yahay natiijada Doorashada iyo inuu xilka wareejiyo.
Sida uu qabo Dastuurka Mareykanka waxaa 20-ka Janaayo 2021 la dhaarin doonaa Madaxweynaha cusub, oo sidaasi kula wareegi doona xilka, waxaana markaas kadib uu amar ku bixin doonaa in Aqalka Cad laga saaro Donald Trump oo markaasi ay ciidamada si awood ah uga saari doonaan Aqalka Cad.

Trump iyo kooxdiisa waxaa loo ogol yahay inay dacwado furtaan, iyadoo laga rabo inay la yimaadaan caddeymo lagu qanci karo, wuxuuna heystaa in ka badan laba bilood, isagoo hadda qorsheynaya inuu qabto isu soo baxyo uu uga horjeedo natiijada doorashada, laakiin waxaa xubno badan oo ka mida xisbiga Jamhuuriya filayaan inuu aqbali doono natiijada marka dambe.