Maxkamadeyntii la filayay in galabta la hor keeno siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dib u dhacday.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii maxkamadda Gobolka Banaadir ay dib ula dhacday qoraalka ay u diray Xeer ilaalinta oo saaka soo baxay, kaasoo wararku sheegayaan inuu yimid culeys la saaray maxkamadda.
Maxkamadda ayaa hadda dib loo ballamiyay Khamiista berri, iyadoo qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur la gaarsiiyay go’aanka 24 saacadood ahaa ee isu bedelay 48-ka saacadood.
Hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo xubno ka tirsan labada gole ayaa dadaal ugu jira in xeerjajab lagu dhammeeyo arrinta C/raxmmaan C/shakuur, taasoo saameyn ku yeelatay maxkamadeyntii socotay ee kiiskiisa.

![Maxaa dib loogu dhigay Maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur ee Maanta..? [Akhri sababta]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/10/Duco-abdiraxman2.jpg)