Faaqidaad kooban oo soo bandhigeysa horumarka siyaasadeed iyo dowladnimo ee la gaaray kadib markii laga baxay kumeelgaarkii oo dowlad rasmi ah loo dhisay Soomaaliya 2016.
XAALADDA MAANTA AUGUST, 2016
Waxaan joognaa Ogost 2016, waxaa lagu jiraa maalmihii ugu dambeeyay jiritaanka ee dowladii Soomaaliya loo dhisay 2012, waxaana la sugayaa inay dhacdo doorasho mugdi badan ku jiro in xilligii loo qorsheeyay ku qabsoomi doonto.
Koox la baxday Madasha Qaran ee wadatashiga oo ka kooban: Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaasha maamulada dalka ayaa la wareegtay awoodii dalka, kadib markii Baarlamaanka Federaalka laga dhigay howlgab aan xaaladda kala guurka ah cod ku lahayn.
Madashan oo sharciyadeeda muran ka jiro waxaa ugu weyn arrimaha horyaala sidii ay dalka uga gudbin lahayd marxalada kala guurka loona heli lahaa dowlad cusub oo Soomaaliya yeelato, taasoo loo marayo doorasho ka dhacda dalka oo ka duwan sida la sheegay tii odayaasha ee 2012 dhacday.
Waqtigu waa is gurayaa, waxaana jirta cabsi ah in dalku galo xaalad hubanti la’aan ah, tiiyoo Baarlamaanka laga dhigay laba aqal, isla markaana waqtiga haray iyo howsha taalla kala badan yihiin.
Waxaa Muqdisho ka furmay shir ay leeyihiin madaxda Madasha oo laga sugayo go’aano muhiim ah oo laftooda u baahan fulin iyo in Soomaaliya loo jiheeyo marxalad cusub.
Madaxda Madasha Qaran shirarkoodu socdaan in ku dhow sanad, waxaa ka mida:
- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyne
- Maxamed Sheekh Cusmaan Guddoomiye Baarlamaan
- Cumar C/rashiid Cali Ra’iisal wasaare
- C/weli Maxamed Cali Puntland
- Shariif Xasan Sh. Aadan K/Galbeed
- Axmed Maxamed Islam Jubaland
- C/kariin Xuseen Guuleed Galmudug
Khilaafka madaxda Madasha u dhaxeeya ma sahlana, waxaase intiisa badan uu dhacay xilliyadii dhexe oo la isku qabtay qaabka doorashada iyo awood qeybiga dhismaha maamulada.
Puntland oo mar kasta ahayd meesha khilaafka ka yimaado iyo diidmada siyaasadaha Muqdisho ka socda waxba iskama bedelin xaalkeedii waxaana loo aaneynayaa in waqti dheer ay lumisay madax adeygii Puntland, kaasoo natiijadiisu hadda muuqato.
Saxiixayaashii Tubta Nabadda (Road Map) ee 2012 waxay ka koobnaayeen:
- Sharii Shariif Axmed Madaxweyne
- Shariif Xasan Sh. Aadan Guddomiye Baarlaman
- C/weli Maxamed Gaas Ra’iisal wasaare
- C/raxmaan Max’ed Farole Puntland
- Maxamed Axmed Caalin Galmudug
- C/qaadir Macalin Nuur Ahlu suna Waljameeca
Sidii C/raxmaan Faroole ayuu C/weli Gaas u qaaday tallaabooyinkii 2012 ee diidamada Dastuurka KMG ah iyo is hortaagga siyaasadaha dowladda Federaalka. Waxaana la saxiixay heshiisyo aanay waxba ka fulin oo sida laba dowladood oo siman labada dhinac u galeen.
AA IS WEYDIINEE MAXAA IS-BEDELAY 4 SANO KADIB?
Marka laga reebo shaqsiyaad is bedelay, ma jiraan wax la taaban karo oo is bedelay afartii sano ee Xasan Sheekh madaxweynaha ahaa oo la sheegay in laga baxay Kumeelgaarkii.
Shaqsiyaad ahaan saxiixayaashii shalay, waxaa madasha maanta ku jira: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo halkii ay ka ahaayeen shalay guddoomiye baarlamaan iyo Ra’iisal wasaare maanta ah madax maamul goboleedyo.
Shariif Sheekh Axmed Waxaa bedelay Xasan Sheekh oo soo kordhiyay kaliya maamul goboleedyo qabyo ah oo sal adag aan ku dhisneyn.
Cumar C/rashiid wuxuu bedelay C/weli Gaas, waana Ra’iisal wasaaraha iminka, halka C/weli aanu siyaasadda ka bixin ee uu booska kala wareegay C/raxmaan Faroole, sidaas darteed Puntland, sidii ayay u taagan tahay, doorkeediina waxba iskama dhimin.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddomiyaha Baarlamaanka xilligan wuxuu bedelay Shariif Xasan oo isna aan meelna tegin ee Madasha maanta kasoo galay markii uu madax ka noqday maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa cusub Madasha Qaran wuxuuna booska kala baxay saxiixe Maxamed Axmed Caalin oo Galmudug ku jiray, halkaasina waxaa ka cad in Galmudug shalay iyo maanta ay taagan tahay.
Axmed Madoobe ayaa ku cusub madasha Maanta oo aan shalay ku jirin saxiixayaasha, waxaana la oran karaa wuxuu u taagan yahay maamulka cusub ee Jubba.
Waxaa saxiixayaashii shalay ka mid ahaa kooxda Ahlu suna oo inkastoo ay hadda ka jirto gobollada dhexe aan metelaad ku lahayn Madasha maanta.
Waxaa kaloo aan weli dhalan oo lagu waday inay Madasha ka mid noqdaan mas’uul ka socda maamul loo dhisi lahaa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo caasimadda oo arrinteedu laalan tahay.
Marka la isku soo xooriyo weli waxaa cad inaan wax weyni is bedelin marka laga reebo shaqsiyaad is bedelay oo aanay jirin hay’ado dowladeed oo dhismay balse loo baahday Ogost 2016 in shaqsiyaad ay mar kale masiirka dalka go’aan ka gaaraan.
Faaqidaadda Wadani.com