Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Maxaa ka dhacay Mesagowaay?: Xaqiiqada dagaalkii dhacay, Gurmadkii Ceeldheer iyo Qasaaraha

    Maxaa ka dhacay Mesagowaay?: Xaqiiqada dagaalkii dhacay, Gurmadkii Ceeldheer iyo Qasaaraha

    May 31, 2023Updated:May 31, 20232 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weerarkii labaad ayay Alshabaab ku qaaday muddo 5 maalmood gudahood ah degaanka Mesagowaay ee Gobolka Galgaduud aroortii Talaadada 30-ka bisha May 2023, kadib weerarkii 26-ka bishan ee ka dhacay Buulomareer Sh/hoose.

    Labada weerar waxay isaga mid ahaayeen xilliga ay dhaceen xilli aroor ah, waxayna dhaliyeen qasaare baaxad leh oo dhimasho iyo Saanad milateri leh, iyadoo labada dhinac ay ku dadaaleen inay warbaahinta u adeegsadaan dagaalka oo guulo ay ka sheegteen.

    Weerarkii Mesagowaay oo ahaa kii labaad oo Alshabaab halkaasi ku qaado ayey ku adeegsaday qaraxyo, waxayna dadka degaanka xaqiijiyeen in Alshabaab ay gudaha u galeen magaalada, ayna qabsadeen saldigii ciidamada oo ay ku sugnaayeen ciidamada laga keenay Eritrea iyo Milateriga Soomaaliya iyo Macawisley.

    Alshabaab waxay qabsadeen 3 gaadiidka dagaalka ah, iyadoo dagaalka lagu dilay askar ka mida ciidamada dowladda iyo dadka degaanka, balse markaas kadib ayaa waxaa gurmad ahaan goobta u yimid ciidamadii ku sugnaa Ceeldheer, iyadoo dagaal culus uu dhex maray labada dhinac.

    Ciidamada gurmadka ayaa qasaare lixaad leh gaarsiiyay Alshabaabkii ku sugnaa Mesagowaay, waxaana dib looga celiyay qaar ka mida gaadiidkii ay qabsadeen, iyadoo maleeshiyo badan looga laayay halkaasi, taasoo xaaladda wax ka bedeshay.

    Taliska ciidamada iyo Warbaahinta dowladda waxay sheegeen in laga hortegay weerarkii Alshabaab ee Mesagowaay, lagana dilay ilaa 30 maleeshiyo oo meydadkooda ay daadsan yihiin magaalada, waxayna soo bandhigeen muuqaal kooban oo muujinaya ciidamo ka dagaalamaya magaalada.

    Dhinaca kale Alshabaab waxay sheegtay inay dagaalkii Mesagowaay ku dishay 73 askari, kuna dhaawacday 80, kale, halka askar ay isu dhiibeen, waxay kaloo soo bandhigtay Gaadiidkii iyo Hubkii ay ku qabsatay dagaalkii Mesagowaay oo intooda badan aan la xaqiijin karin marka laga reebo laba gaari oo mid xamuul yahay, hal askari oo la qabtay oo warbaahint Alshabaab wareysatay iyo sidoo kale meydadka qaar ka mida askarta.

    Dagaalka tooska ah ee dhex maraya ciidamada dowladda, ATMIS iyo Alshabaab waxaa barbar socda dagaal warbaahineed oo keenay in qarsoonto xaqiiqada weerarrada dhacaya iyo qasaaraha labada dhinac oo qolo kasta ay qarineyso, iyadoo sheeganeysa guul, laakiin baraha bulshada waxaa lagu baahiyaa geerida ciidamada dowladda iyo dadka degaanka, halka qasaaraha Alshabaab aan la ogaan karin.

    Alshabaab Dagaalkii Masagowaay Masagowaay Top Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/raxman C/shakur oo Qoraal tallooyin xambaarsan u diray Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhriso)
    Next Article La-taliyaha Madaxweynaha Somaliya oo laga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Garowe

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo