Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeymo culus lala beegsaday xarumo ay Alshabaab ku lahaayeen degaanka Buqda-Aqale oo saldhigooda ugu weyn ay hadda ka dhigteen.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal Qorshaysan laga fuliyey Magaaladda Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo agu beegsaday Seddex xarumood oo Khawaarijtu ay lahaayeen, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha Alshabaab kasoo gaaray duqeymaha lala beegsaday.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa xaqiijisay duqeynta ka dhacay Buqda Aqable, iyadoo sheegtay in duqeynta ay ku dhacday degaano dad shacab ah degan yihiin.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiaga ah ayaa sii kordhiyay duqeymaha lala beegsanayo Alshabaab ee ka dhacay degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo uu socdo diyaargarowga dagaalka labaad ee Alshabaab.