Sida laga soo xigtay shaqaalaha Q/Midoobay waxaa jirta cabsi laga qabo weerarro qaraxyo cusub oo ka dhaca magaalada Muqidsho, kuwaasoo muddooyinkii danbe noqday kuwo joogto ah.
Qeybta Amniga ee Xafiiska Q/Midoobay UNDSS ayaa ka digay inay suurtagal tahay weerarro ay Alshabaab ka geysato magaalada Muqdisho, kana dhici dkara Hoteelada iyo goobaha dadku isugu yimaado, iyadoo shaqaalaha UN-ka loogha digay inay ka fogaadaan goobahaasi maalmaha soo socda.
Xogta la helay oo ay UN-ka la wadaageen Hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka ee degan Xalane ayaa waxaa ka mida in Qaraxyadda magaalada Muqdisho ku soo fool leh uu ka mid yahay Gaari Xamuul ah oo weyn, ayna ku soo maqan yihiin ilaa 4 Gaari oo Qaraxyo sida.
Iyadoo ay si joogto ah farriimahan u heli jireen shaqaalaha UN-ka iyo Ajnabiga, ayna suuragalnimada qaraxyada iska ahayd mid mar kasta suuragal ah, ayaa waxaa muddooyinkan danbe kusoo biiray in baraha bulshada lagu baahiyo digniinta noocan oo kale ah, taasoo khalkhal kale ku abuurtay dadweynaha.
Wararka sirdoon ayaa u badan tuhun iyo xogo la ururiyey oo ka hadlaya suuragalnimada dhicitaanka waxa laga digayo, taasoo aan micnaheedu ahayn in xog dhammeystiran la hayo, mana aha xog loo gudbiyo shacabka caadiga ah, waxaana loogu talo galaa ciidamada amniga si ay u howlgalaan.