Waxaan dhowaan soo baxay warar la iska dhex maray oo ku saabsan in Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ee uu magacaabay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshe ku saabsan in muddo kordhin 2 ilaa 3 sano ah loo sameeyo Baarlamaanka Federaalka iyo dowladda hadda xilka heysa.
Warkan ayaa waxaa si rasmi ah u beeniyey xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan Guddigan, wuxuuna sheegay inaysan arrinta muddo kordhinta ka mid ahayd ajendayaashooda iyo shaqada loo diray, ayna wadaan la-tashiyo ay la sameynayaan dhinacyada ay quseyso arrintan, iyadoo laga doodayo qaabka doorashada ee haboon in la qaato.
- AKHRISO
- Gudoomiye Mursal oo qaaday tallaabo ka dhan ah Qorshe uu watay Farmajo [Akhriso Guddi uu magacaabay]
- AKHRISO: Qodobka Muranka ugu weyn dhaliyay ee Sharciga Cusub ee Doorashada [Muddo Xil kordhin!]
“Anigoo ka mida Guddiga db u eegista Sharciga Doorashada waxaan caddeynayaa inaysan ajandaheeda ku jirin (Muddo kordhis). Waxaan sii wadaa la-tashiyada aan dhinacyada ay quseyso kala yeelaneyso sharciga Doorashada iyo Nooca Doorashada. Soo jeedin waqti kordhin kuma jirto howsheena.. joojiya faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah..” ayuu yiri xildhibaan C/risaaq Cumar oo qoraal jawaab ah soo diray.