Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu baahiyay Baraha Bulshada.
Qoraalkaan ayaa ku saabsan in kursiga Hope #086 ee uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse sharci darro laga dhigay, hadda la ansixiyey, isla makraana Fahad uu noqday xildhibaan.
Xafiiska Guddoomiyaha oo barta Facebook ku shaaciyay inay warqaddaan been abuur tahay ayaa sidoo kale hacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka digtoonaadaan warqadaha la abuuray ee noocan oo kale ah.
“Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga.” ayaa la yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Taageerayaasha Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo iyo Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin ayaa si weyn baraha Bulshada ugu faafiyey qoraalkan hadda la beeniyay.
