Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada: “Soomaaliya maamulka Hawada waa uga horeysaa Kenya iyo Itoobiya..”
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo shaac baxay laba war ku saabsan maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo si weyn ay u faafiyeen taageerayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale.
Warka hore aya ahaa in Hay’adda Duulista Caalamiga ah ee UNka, loona yaqana ICAO ay dib ula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya, taasoo sabab looga dhigay inay Soomaaliya dalbatay inay kordhiso heerka maamulka Hawadeeda oo iyagoo joogta heerka G ay dooneyso inay tagto heerka A oo ah kan ugu sareeya.
Warka labaad ayaa iska ah in xukuumadda Rooble ay dooneyso inay maamulka Hawada Soomaaliya ku wareejiyo shirkad gara oo lagu magacaabo Vector Airport System.
Soomaaliya oo sanadkii 2017 si buuxda ula wareegtay maamulka Hawadeeda oo muddo dheer ay gacanta ku heysay Hay’adda Q/Midoobay ICAO ayay dad badan la yaabeen, ayna fahmi waayeen in xilligan dib loogala wareegayo maamulkii hawada.
Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin ayaa ka jawaabay labada war ee laga faafiyey maamulka hawada Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirtay inay gaarto heerka ugu sareeya ee maamulka hawada ee ah A, iyadoo ay hadda joogtay G, taasina ay u baahan tahay tababar, shaqaale iyo qalab badan, iyaguna ay u dhow yihiin inay gaaraan heerka ugu sareeya muddo bilo ah gudahood.
“Qalabka aan heysano sida kan loo yaqaan AIPT ee sida automatic ah u hagaya diyaaradaha weli ma haarin Kenya iyo Itoobiya, waxaanan ku bandhignay shir ka dhacay Kenya..” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan oo sheegay inaysan jirin wax laga welwelo oo ku saabsan maamulka Hawada Soomaaliya.
“Wax la yiraahdo muran ma jiro, Hawada Soomaaliyana muran ma geli karto, waxayna ka mid ahayd xoriyadda Soomaaliya.. Waxa kaliya oo jira waa markii aan ICAO kala soo wareegnay hawada.. Waxaa maamulka hawada caalamka lagu qiyaasaa heerka, A ilaa G. Dowladda Soomaaliya markii ay lasoo wareegtay waxay ahayd heerka ‘G’ oo aad ku egtahay talo-siin, si toos ahna aadan u amri karin Duuliyeyaasha hawada maraya.. in laga tago Class G oo la tago Clas G waxay u baahan tahay qalab iyo shaqaale tababaran, taasina waan gaareynaa maalamaha ama Billooyinka soo socda. hadii Alle yiraahdo April 2022 Class A ayaan noqoneynaa..” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa beeniyay wararka laga faafiyey maamulka Hawada Soomaaliya, isagoo dadka warrkaas faafinaya ku tilmaamay kuwo caddow ku ah horumarka Soomaaliya.
“Shacabka Soomaaliyeed wax ay ka welwelaan ma jiraan, qof neceb horumar Soomaaliya ayaa faafinaya wararkaasi.. ICAO oo ah Hay’ad UN ah ayaan kala soo wareegnay maamulka hawadeena, sidee Shirkad gaara loogu wareejinaa?. Waa astaan Qaran, weligeedna kama wareegeyso, mana wareegi karto..” ayuu si cad u yiri Maareeyaha.
Sidoo kale Wasiirka Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa war uu soo saaray ku beeniyey wararka laga faafiyay maamulka Hawada Soomaaliya.
”Xukuumadda Federaalka oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Durran Axmed faarax.
Wasiirka wuxuu caddeyeya in shirkadda Vector Airport System ee la faafiyey inay la wareegeyso maamulka hawada ay ka mid ahayd shirkado arjiyo u soo qortay inay dowladda Soomaaliya la raadiyaan lacago ku maqan shirkado isticmaalay hawada dalka intii ay gacanta ku heysay Hay’adda Q/Midoobay, laakiin si khalad ah ama aqoondarro ah loo fasiray.
