Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxaa ka jira in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu koobiyeeyo khudbadaha Madaxda kale.? (Warbixin)

    Maxaa ka jira in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu koobiyeeyo khudbadaha Madaxda kale.? (Warbixin)

    July 2, 2019Updated:July 2, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hadal jeedinta waa mid ka mid ah xirfadaha ugu waaweyn ee madaxda u horseedi kara in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaasna uga dhaadhiciyaan hadba waxa ay doonayaan, oo ay ka mid tahay in la doorto.

    Waa xirfad jaamacadaha iyo mac-hadyada lagu barto, buugaag badane laga qorey, sidaasi darteedna la yaab ma leh in madax badan oo waqtigan casriga ah jooga ay ku wanaagsanyihiin jeedinta khudbadaha marka ay taaganyihiin fagaarayaasha ay dadka badan isugu yimaadaan.

    Balse Soomaaliya waxaa dhowaan hadal heyn dhalisay khudbad uu jeediyay Ra’isulwasaaraha, taas oo la sheegay in uu ka soo minguuriyay khudbado ay horey u jeediyeen madaxda adduunka.

    Waxaa tusaale loosoo qaatay in uu minguuriyay hadalo ay jeediyeen madaxweynayaashii hore ee John F. Kennedy iyo madax kale.

    Waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyay muuqaal isbarbardhig ku samaynaya hadalkii caan baxay ee Kennedy uu jeediyay ee ahaa “Ha is weeydiin waxa ay dowladda Maraykanka kuu qaban karto, ee isweeydii waxa aad u qaban karto dowladda Maraykanka”.

    #Hadalhaynta Waa khudbadihi John Kennedy oo la tarjumay warqadna lagu soo qortay, waa u aqri oo kaliyah, iyaguna waa masaakiin reer tuulo u badan oo aan hadaladaan oo kale horey u maqlin sacbis ๐Ÿ‘ & mashaxarad ๐Ÿ“ฃ bay isugu dareen. @HassanAKhaire aka Hassan Taktiko, Hassan Xaraash pic.twitter.com/gqRZt1gnTN

    — Hadalhaynta (@Hadalhaynta) June 26, 2019

    Kheyre ayaa xigashadan ka sheegay socdaal uu ku marayo gobolada dhexe.

    “Markaan fiiriyay, hadalkiisana gudaha usii galay ma ahan wax isaga kasoo maaxday, waxaanan fahmay in hadalkiisa uu yahay minguuris” ayuu yiri Cabdisitaar Xasan Cali, oo aqoon u leh arrimaha baraha bulshada.

    Hadalka oo kaliya ma ahan waxyaabaha uu matalo Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre, sida uu qabo Falanqeeye Cabdisataar, xitaa hab dhaqanka uu kusoo bandhigo fagaarayaasha ayuu sheegay in ay yihiin kuwa matalaad ah “Ficilka uu sameeyo Kheyre xitaa haddii aad u fiirsatid waa kuwii madaxweyne Barack Obama, tusaale orordka iyo rucleynta”.

    Khudbadaha iyo ficilada gaarka ah ee ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha adduunka sida labiska waxa ay galaan diiwaanka dhacdooyinka adduunka, balse Cabdisataar waxa uu is weydiinayaa inay jiraan waxyaabo gaar u ah Kheyre oo galaya doowaankaas.

    “Diiwaanka waxaa u galaya in uu Xassan Cali Kheyre yahay oo uu noqday Ra;isulwasaaraha Soomaaliya, balse diiwaanka uma galayaan wax madax kale oo adduunka ay lahaayeen oo uu soo minguurayey, waxaadna garan kartaa in hadhoow lagu mashquuli doono cidda asal ahaan tiri hadalka uu isaga jeedinayay ee aan isaga la xusuusan doonin, kaliya waxaa loo isticmaali doonaa tixraac” ayuu intaas raaciyay.

    Barack Obama iyo ku xigeenkiisi Joe Biden ayaa labaduba ka mid ah dadka hadaladooda la minguuriyay.

    Hase yeeshee waxaa iska caadi ah in erayo ama xikmado laga soo xigto madaxda iyo dadka kale ee caanka ah, balse ay qasab tahay in iyaga loo tiiriyo.

    Kheyre iyo sida loo sugo amnigiisa
    Kheyre iyo sida loo sugo amnigiisa

    Ma yara dhacdooyinka Ra’isulwasaare Kheyre ku saabsan ee lala barbar dhigay kuwa madaxda kale ee adduunka, waxaa xitaa jiray sawir aad u faafay oo muujinayay habka loo sugo amniga Ra’isulwasaaraha oo lala barbardhigay kan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

    Ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un
    Ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un

    Si kastaba ha ahaatee, Ra’isulwasaare Kheyre ayaa noqday shaqsiga loogu mutaabacayn badanyahay madaxda Soomaalida, iyada oo aad loogu fiirsado, lagana falceliyo waxyaabaha uu fagaarayaasha kusoo bandhigo haddii ay ahaan lahayd qaabka uu hadalada u jeediyo, labiskiisa, iyo ficiladiisa kale.

    Isha: BBCSomali

    BBC Kheyre xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo Xerada 21-aad ee Dh/Mareeb kula wareegay Ciidamadii Ahlu suna (Sawirro)
    Next Article Wafdigii Raโ€™iisal Wasaaraha oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Guriceel [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo