Kadib markii Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale loo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolka Banaadir yeesho, xilkana laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa waxaa soo baxaya warar ay saxaafaddu qoreyso oo ku saabsan isku shaandheyn lagu sameynayo guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka oo 17 hadda gaaraya.
Dhab ahaanshaha warkan waxay saxaafadda faafisay ku xoojisay inay jiraan mushaxiin u badan kuwo doonaya guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir oo saxaafadda sawiradooda lagu faafiyay, laakiin haddii aan arrintan ilo kale u raadino waxay xaqiiqadu tahay in Madaxweyne Xassn Sheekh iyo wasiirkiisa Arrimaha Gudaha aanay xilligan diyaar u ahayn isbedel kale oo xubno cusub lagu soo magacaabo.
Dhibaatada ugu weyn ee heystay waxay ahayd Muungaab oo mustaqbalka halis ku ahaa Xasan Sheekh, isla markaana noqday musharax u taagan jagada madaxweynaha, iyadoo weliba muddo dheer uu miiska saarnaa in xilka laga qaado. Guddoomiye ku xigeenada bedelkooda oo aan ka dhib yareyn guddoomiyaha ma aha mid uu awood u leeyahay guddoomiyaha cusub, sidaasoo ay tahayna waxaa caadiyan madaxweyne Xasan Sheekh ay xilal magacaabiddu ku qaadataa waqti ka badan intii macquulka ahayd.
Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir oo dhowr jeer la isku bedelay iyaguna hadda maaha kuwo miiska saaran bedelkooda, waxaana inaysan jirin caddeyn u ah khudbadii uu guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ka jeediyay xafladii uu xilka kula wareegay isagoo sheegay inuu ku shaqeyn doono guddoomiyeyaasha degmooyinka ee hadda xilka haya oo uu sheegay inay aqoonyahano yihiin.
Wadani.com