War ay faafisay warbaahinta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Afhayeenkii guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Sheekh Cali Dheere) uu dhaawac Culus uu ka soo gaaray Weerar ka dhacay Shabeelada Hoose.
Raadiyaha ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay 11-kii bishan Agost ka dhacay degaanka Shaam ee u dhow degmada Afgooye, howlgalkaas oo ay fuliyeen ciidamada Danab ee Kumaandooska Somalia, laguna dilay illaa 15 ka tirsan Al-Shabaab sida lagu sheegay warkan.

Warka ayaa intaas ku daray in Dhaawaca Sheekh Cali Dheere loo qaaday deegaanada hoostaga degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose oo ay maamulaan Al-Shabaab, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan oo ka baxsan warka uu baahiyey Raadiyaha ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana la ogyahay in afhayeenka iyo madaxda sare aysan ku sugneyd jiidaha dagaalka.
Warbaahinta taageerta Alshabab ayaa laga sii daayey farriin maqal ahayd oo ku saabsan ciidul adxaa oo uu jeediyey Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, iyadoo hore marar badan loo shaaciyey inuu geeriyooday ama dhaawacmay Sheekh Cali Dheere, balse la ogaaday markii danbe inay wararkaasi sal lahayn.