Waxaana weli magaalada Dhuusamareeb ka socda dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Ahlu suna, iyadoo warar kala duwan kaasoo baxayaan.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii KMG ahayd ahna wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu suna C/samad Macalin Maxamud ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb, laakiin ma jirto cid xaqiijisay dhaawiciisa.
Qaar kamida saraakiisha Ahlu suna ayaa laga soo xigtay inay beeniyeen wararka sheegaya inuu dhaawacmay C/samad Macalin oo ku sugnaa xarunta INJI oo ah fadhiga madaxda Ahlu suna.
Sidoo kale C/samad ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay xarunta INJI, iyadoo ay la xiriireen qaar ka mida saxafiyiinta, wuxuuna ku tilmaamay been abuur laga faafiyey.
Dhinaca kale waxaa sii kordhaya qasaaraha dagaalka magaalada Dhuusamareeb oo tan iyo saaka uu dagaalku ka socday. Dhimashada ayaa ku dhow 10, halka dhaawacyada qaarkood loo qaaday Muqdisho.