Waxaa baraha bulshada qabsaday qoraal la sheegay inuu yahay is-casilaad uu gudbiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA Xuseen Cismaan Cismaan (Uurkus).
Qoraalka is-casilaadda oo si fiican loo habeeyay ayaa khaladaadka ku jiray ay ka mid ahaayeen inuu agaasimaha is-casilaadiisa u gudbiyey Wasiirka Amniga iyo eedeyn qaawan oo ku lid ah agaasimaha madaxtooyada iyo madaxa shaqaalaha NISA, waxaana la xaqiijiyey in qoraalkaasi uu yahay mid gacan ku sameys ah [Fake].
Dad fara badan ayaa qoraalkaasi soo dhigay baraha bulshada oo qaarkood ay yihiin mas’uuliyiin iyo saxafiyiin aan hubsan qoraalka, iyadoo qoraallada noocan ah ay si weyn ugu soo kordheen baraha bulshada.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in agaasimaha NISA la saaray cadaadis xoog leh oo keenay in laga xayiro akoonada Hay’adda NISA ee Bankiga Dhexe, iyadoo aan weli xal loo helin qalalaase ka dhex taagnaa maamulka sare ee Hay’adda Sirdoonka markii shaqada laga joojiyey taliye ku xigeenadii NISA.
HOOS KA FIIRI QORAALKA LA SAMEEYAY