Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaa ka jira in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maskax ahaan fiyoobeyn..? [Warbixin]

    Maxaa ka jira in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maskax ahaan fiyoobeyn..? [Warbixin]

    January 6, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Soo saarista buugga cusub ee laga qoray Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood horey u socotay oo ku saabsanayd xaaladda caafimaadka maskaxda ee Donald Trump.

    Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii uusan xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awoodda maskaxdiisa.  Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan fiyoobeen.

    Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.

    Dr Lee oo ah dhaqtar xagga dhimirka ku taqasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono.

    Haddii ay caddaato in Trrump aanu maskax ahaan fiyoobeyn waa arrin uu shaqadiisa ku weyn karo, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in haddii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

    Balse dadka xirfadlayaasha ah ee xagga dhimirka ayaa sheegay in sababta ay uga hadlayaan arrinta Trump ay tahay in ay qaranka uga digaan astaamaha halista ah ee madaxweynaha uu lasoo baxay. Xeeldheerayaasha caafimaadka dhimirka ayaa jabiyay xeer horey u yiilay oo ahaa in aysan ka hadlin astaamaha waalida ee qof aysan iyagu baarin.

    Waxaase la sheegay in marka Trump uu ismoodsiinayo waxyaabaha qaar, islamarkaasna ku hanjabayo in uu amro weerar hubka Nuyuukleerka ah in dhaqaatiirta loo ogolaado in ay samayn karaan qiimeyn guud iyaga oo aanan isaga baarin.

    Waxaaba jira sharci hadda laga shaqaynayo oo suurtogalinaya in la qiimayn karo xaaladda caafimaad ee madaxweynaha. Balse dadka qaarkood ayaa qaba in kooxaha neceb siyaasadaha madaxweynaha ay moowduucaan u isticmaalayaan si ay xilka uga tuuraan.

    Markii hore dad ayaa sheegay in Trump uu qabo xanuunka loo yaqaano ismoodsiinta ama uu yahay qof isaga laftiisa aad ula dhacsan. Dadka xanuunkan qaba astaamaha lagu arko waxaa la mid ah in ay aad isu faaniyaan, in ay u maleeyaan in ay dadka kale ka sareeyaan, waxa ay doonayaan in aad loo jeclaado, ama iyaga loogu mashquulo, marka la eedeeyana eedda ma qaadan karaan.

    Balse ninkii qoray astaamaha xanuunkan oo loo yaqaano NPD ninka lagu magacaabo Allen Frances ayaa sheegay in maadaamaa uusan arag astaamo rasmi ah, ay taasi ka hor istaagtay in uu Trump ku xukumo in uu qabo xanuunkaas.

    Dadka ayaa hadda u wareegay in ay Trump ku sheegaan in uu qabo xanuun ah in uusan wax kala garan karin ama uusan sabab maangal ah u yeeli karin arrimaha soo wajaha.

    Waxaa la’is barbar dhigay muuqaalo horay looga duubay iyo kuwa cusub, waxaana la arkay in uu jiro isbadal weyn oo ku saabsan dabeecadiisa, markii hore wuxuu ku hadli jiray hadalo dhaadheer oo aad u adag, isaga oo hadalka dhexdiisa ku fikiri jiray, islamarkaasna isticmaali jiray sifooyin, halka muuqaalada mardhow laga duubay uu isticmaalo erayo gaagaaban, haddane yar, weedhaha qaarkood waa u gooyaan, gefgefaa, isaga oo isticmaala erayo ka badbadin ah sida “ugu fiican”.

    Xeeldheerayaasha waxa ay leeyihiin waxaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay hilmaam ama xitaa da’diisa oo sii weynaatay awgeed. Waxaa farta lagu fiiqay in ay jirtay mar madaxweynaha uu labada gacmood ku qaatay galaas biyo ah oo uu cabbay iyo mar isaga oo hadlaya uu codkaba ka lumay.

    Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.

    Donald Trump Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda Maaliyadda oo Canshuur culus ku soo rogtay Dahabka jajabka ah ee laga dhoofiyo dalka [Akhriso]
    Next Article DAAWO MUUQAALKA: Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Madaxweyne Farmaajo xariga ka jari doono

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo